Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, ahna Taliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Taliska Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.
Taliskaan oo dhowaan dib loo dhisay xaruntiisa ayaa ku yaalla magaalada Dhuusamareeb.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Warbixin ku saabsan dib u habaynta ciidanka, qaab dhismeedka, hannaanka shaqo iyo qorsheyaasha hortabinta leh ka dhageystay Taliyaha Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Korneyl Maxamed Dhegaweyne.
Madaxweynaha kula dardaarmay Taliyah aiyo saraakiisha kale ee qeybta ka ah hoggaanka Ciidamada in ay laban-laabaan dadaalkooda dib u xoreynta dalka iyo dagaalka Khawaarijta.
Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa booqday Garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee magaalada Dhuusamareeb oo qaab casri ah loo dhisayo, isagoo kormeer ku sameeyey qaab-dhismeedka garoonka oo weli shaqadiisu socoto.
Madaxweyne Xasan ayaa ku bogaadiyey masuuliyiinta iyo howlwadeenada shirkadda gacanta ku haysa dib u dhiska Garoonka, isagoo kormeerkii garoonka kadib ka duulay Muqdisho.
Madaxweynaha Soomaaliya, waxaa kormeeradii Taliska qeybta 21-aad iyo dhismaha garoonka diyaaradaha ee Dhuusamareeb ku weheliyey masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, Wasiir ku xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) Taliya Qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Korneyl Maxamed Dhegaweyne iyo xubno kale.
Madaxweynaha ayaa intii uu Dhuusamareeb joogay soo xarig jaray dhismayaal aad u balaaran oo ay ka shaqeysay Galmudug, isagoo galabta dib ugu laabtay Muqdisho.
Â