26.8 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Sawirro: Xasuuqii ugu cuslaa ee loo geysto Carruur oo ka dhacay dalka Syria

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Gaari Qaraxyo laga soo buuxiyay ayaa lagu dhuftay Kolonyo gaadiid oo maraayay agagaarka magaalada Allepo ama Xalab.

Dadka ku nafwaayay Qaraxa oo tiro ahaan lagu sheegay 126 ruux, ayaa waxaa 68 kamid ah ay ahaayen carruur laga daabulaayay magaalooyinka go’doonsan ee Syria.

Carruurta ku nafweysay Qaraxa ayaa la socday laba Bas oo la sheegay in looga soo qaaday magaalooyinka go’doonsan.

Kooxaha ka shaqeeya xuquuqul Insaanka ayaa iyaguna sheegay in dadka ku nafwaayay Ismiidaaminta ay gaarayaan ilaa 109 ruux oo u badnaa dad shacab ah.

Kooxahaani ayaa sheegay in weerarka Ismiidaaminta ah uu ahaa mid looga soo horjeeday dadka laga soo daadgureynaayo magaalooyinka go’doonsan oo ay ku dhuuntaan Maleeshiyaadka.

Kooxahaani waxa ay sidoo kale sheegen in dadka Ismiidaaminta ku dhintay ay kamid ahaayen Samafalayaal garab siinaayay dadka laga soo daabulaayo Magaalooyinka go’doonsan.

Sidoo kale, dadka ku dhintay Ismiidaaminta ayaa waxaa kamid ahaa Hooyooyin iyo Aabayaal dhalay Carruurta ku dhintay Ismiidaaminta.

Guud ahaan dagaalada ka socda dalka Syria ayaa la sheegay inay ku nafwaayen dad khiyaastii lagu sheegay 300,000 oo kun oo ruux.

- Advertisement -

Read more

Local News