25.7 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Sawirro: Xeebta Bosaso oo isu bedeshay wasaq

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)- Waxaa laga deerinayaa xaalada Caafimaad ee dadka ku nool xaafadaha dhaca xeebta magaalada ‪Bosaso iyo xeebta qudheeda kadib markii halkaasi ay noqotay meel ay ka caagan yihiin dadka u nasashada doonta sababo la xiriira wasaqda iyo nadaafad darida.

Xeebta oo xili hore ahaan jirtay goob aad u mashquul badan ayaa waxa ay iminka isku bedeshay mid ay wasaqdu ka saramartay biyaha Badda.

Qashinkaani faraha badan ayaa waxa uu saameyn xoogan ku yeeshay caafimaadka dadka deegaanka kadib markii ay dabeesha usoo weeciso dhankooda, waxaana meel xun gaarsiisan rajadii laga qabay in dib loo soo celsho daryeelkii ay heysatay Xeebta.

Maamulka Bosaso ayaan u muuqan dhibta ka taagan Xeebta iyo deegaanada ku dhow dhow oo ay qarisay wasaqda.
xeebta

qashinka10

qashinka9

qashinka8

qashinka6

qashinka1

qashinka2

qashinka3

qashinka4

qashinka5

- Advertisement -

Read more

Local News