Sawirro: Xiisaddii Xamza iyo Saciid Deni oo dhammaatay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre iyo Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ugu dambeyn xalay kulmay kadib bilo laba mas’uul aysan wada-hadlin.

Kulanka ayaa ka dhacay hoteelka uu Muqdisho ka degan yahay madaxweyne Deni, halkaasi oo xalay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre uu booqasho iyo salaan ugu tagay.

Qoraal kooban oo ay baraha bulshada soo dhigeen labada mas’uul, ayey ku sheegeen inay soo qaadeen qodobo dhawr ah oo ay ugu horreeyaan xaaladda amniga dalka iyo gurmadka abaaraha.

Kulanka waxaa ka qaybgalay la-taliyaha ra’iisul wasaaraha ee Arrimaha dib u heshiisiinta, Cali Cabdi Awaare oo kasoo jeeda deegaanada Puntland, iyo wasiiru dowlaha madaxtooyada Puntland Cabdifataax Maxamed Cabdinuur.

Labada mas’uul ayaan kulmi wixii ka dambeeyey markii madaxweyne Xasan Sheekh uu Xamza u magacaabay ra’iisul wasaaraha. 

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa aad uga soo horjeeday magacaabidda Xamza Cabdi Barre ee xilka Ra’iisul wasaarenimo maadaama uu doonayey in isaga lagala tashado, oo loo magacaabo qof reer Puntland ah.

Wixii markaas ka dambeeyey Deni ayaa cuqdad xooggan u qabay Xamza, waxaana la sheegay inuu mar diiday in ra’iisul wasaaraha uu booqdo deegaanada Puntland.

Sidoo kale fursado dhawr ah oo ay suurtogal ahayd in labada mas’uul ku kulmaan ayaa waxaa arrintaas ka maagay ama si cad uga hor-yimid madaxwayne Deni, waxaana u dhowaa shirkii hogaamiyeyaasha maamulada iyo federaalka ku yeesheen Muqdisho kaasoo Deni uu doortey in uu kaga qeybgalo qaab fogaan arag ah.

Ma cadda waxa lagu dhameeyey khilaafka labada mas’uul iyo waxa beddelay mowqifkii Deni.