Maamulka Joe Biden oo ka fakaraya codsi xasaasi ah oo uga yimid SOOMAALIYA

Washington (Caasimada Online) – Maamulka madaxweyne Joe Biden ayaa qiimeynaya codsi ka yimid Soomaaliya oo ah in Mareykanka uu dabciyo xayiraadaha duqeymaha militari ee lagu beegsanayo kooxda Al-Shabaab, waxaa sidaas qoray wargeyska New York Times.

Codsiga ayaa yimid ayada oo dowladda Soomaaliya ay billowday weerar ka dhan ah kooxda Al-Shabaab oo ay iska kaashanayaan ciidamada qaranka iyo shacab hubeysan.

Dowladda Soomaaliya ayaa dooneysa in howlwadeenada militari ee Mareykanka ay awood u yeeshaan inay weeraraan kooxda Al-Shabaab – xitaa haddii aanay markaa ku lug laheyn weerar toos ah oo ka dhan ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ee xulufada la ah. 

Saraakiisha Mareykanka ayaa tallaabadaas u arka inay xoojin karto ku lug lahaanshaha Mareykanka ee la-dagaalanka argagixisada Soomaaliya. 

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kadib dib u doorashadiisa bishii May, wuxuu dib u billaabay dagaalka Al-Shabaab, isaga oo hub iyo dhiiri-gelin ku xoojinaya ciidamada shacabka hubeysan. 

Sida uu qoray New York Times, saraakiisha Mareykanka qaarkood ayaa rumeysan in Soomaaliya ay ugu dambeyn sameyneyso isbeddel, halka kuwa kale ay qabaan shaki ah in Xasan Sheekh aanu sii joogteyn doonin wax ay ugu yeereyn “bisha malabka” marka la eego taariikhda waxqabad xumo ee dowladda Soomaaliya. 

Madaxweyne Biden ayaa dhowaan saxiixay siyaasad cusub oo ku saabsan duqeymaha diyaaradaha drone-ka ee aagga dagaalka, waxaana qasab laga dhigay in ansixin madaxweyne la helo kahor inta aan la beegsan mintidiinta, marka laga reebo haddii weerarada ay yihiin kuwo is-difaac ah.

Codsiga dowladda Soomaaliya, ayaa saraakiil Mareykan ah oo codsaday inaan la magacaabin, waxay ku qeexeen mid ay dowladda Mareykanka ku weydiisatay inay si baaxad leh u qeexdo waxa loo arko is-difaac.  

Waxaa lagu qeexay mid Soomaaliya ay ku dooneyso in goobaha Soomaaliya qaarkood lagu arko aag dagaal, taasi oo ogolaaneys in lagu beegsado cadowga, xitaa haddii aanay markaas halis toos ku aheyn ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaalida. Tani waxay ogolaaneysa in duqeymo lala beegsado Shabaabka fursadaha lagu helo ayada oo aan loo baahan ansixinta Aqalka Cad.

Codsiga Soomaaliya ayaa weli la qiimaynayaa, sida ay saraakiisha sheegeen, welina Wasaaradda Gaashaandhigga si rasmi ah uma hordhigin Aqalka Cad. 

Saraakiil dhowr ah ayaa sheegay inay u badan tahay in codsigan uu wajihi doono baaritaan adag iyo hanaan dib u eegis oo ay ku lug leeyihiin hay’ado badan. 

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa horey militariga awood ugu siisay inay fuliyaan duqeymaha ayaga oo aan ansixin u baahan, go’aankana ay ka gaaraan taliyayaashooda, taasi oo kordhisay weerarada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee caalamka, balse sidoo kale kordhisay khsaaraha shacabka.