Ciidamada HARAMCAD oo weeraray goob ay isku aruursanayeen Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo Birtaqleey ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegayo inuu xalay ka dhacay dagaal aad u culus u dhaxeeyey ciidamada dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Sida dad goobjoogayaal ah ay Caasimadda Online u sheegeen, dagaalka ayaa socday wax ka badan hal saac waxaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada Booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ay weerareen degaanka Birtaqleey oo u dhow degaanka lambar Konton, halkaas oo la sheegay inay isku aruursanayeen Al-Shabaab.

Dhawaqa hubka la isku adeegsanayey ayaa laga maqlayey meelo fog fog, waxaana dagaalka ka dhashay khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac soo kala gaaray inkastoo aan tiro rasmi ah la heyn.

Inta la ogyahay dagaalka waxaa ku dhintay 1 qof oo kamid ahaa dadka deegaanka halka uu jiro dhaawacyo kale oo soo gaaray dad shacab ah oo ku sugnaa guryahooda.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska gaarka ah ee Haramcad ayaa dhankooda sheegay inay ka warheleen in degaanka Birtaqleey ay isku aruursanateen Al-Shababa, si ay weeraro u geystaan, balse ay ciidamadu ka hortageen.

Ciidamada dowladda ayaa maalmihii ugu dambeeyey bilaabay inay weeraro gaadmo ah ku qaadaan meelaha ay ku sugan yihiin maleeshiyada Al-Shabaab.

Tan iyo markii la doortay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud waxaa dalka ka bilowday howlgalo lagu beegsanayo kooxda Al-Shabaab waxayna dowladda Soomaaliya garab ka heshay shacab u abaabulan hab qabiil oo bilaabay kacdoon ka dhan ah kooxdaan.