Sawirro: Xil kala wareejin ka dhacday Villa Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali oo dhawaan uu Farmaajo u magacaabay xilkaas ayaa munaasabad ku qabsoontay Villa Somalia, waxa uu xilka kala wareegay ku-simihii Agaasimaha Guud ahna Ku-xigeenka Agaasimaha Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed.

Cabdisaciid ayaa horey u ahaa la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweyne Farmaajo, hase yeeshee waxaa lagu beddelay Fahad Yaasiin, oo ra’iisul wasaare Rooble oo ka joojiyey shaqadii agaasimaha NISA, inkastoo markii dambe uu sheegay inuu is-casilay.

Agaasime Cabdisaciid Muuse Cali ayaa soo bandhigay qorsheyaasha ku aaddan horumarinta howlaha hortabinta u leh Madaxtooyada, isaga oo uga mahad-celiyey Agaasime Cabdinuur Maxamed Axmed shaqadii wanaagsanayd ee uu ka soo qabtay Madaxtooyada muddadii uu hayey xilka Ku-simaha Agaasimaha Guud.

Dhankiisa, Agaasime Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa ka codsaday dhammaan howl-wadeennada Madaxtooyada iyo hay’adaha kale ee Dowladda in ay ku garab istaagaan Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada gudashada masuuliyadda loo igmaday, waxa uuna xusay dib u habeynta ballaaran ee uu ku sameeyey hannaanka shaqo iyo shaqaale ee Madaxtooyada.

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Xasan Macallin Khaliif oo munaasabadda ka qayb galay ayaa u rajeeyey agaasimaha cusub in Alle u fududeeyo gudashada mas’uuliyadda Qaran ee loo igmaday, isaga oo kula dardaarmay ka miro-dhalinta qorsheyaasha shaqo ee Madaxtoyada iyo kobcinta tayada shaqaalaha.

Munaasabaddan ay xilka kula kala wareegayeen Labada Agaasime waxaa goob joog ka ahaa La-taliyeyaasha Farmaajo, Agaasime Waaxeedyada Madaxtooyada iyo hawl-wadeenno ka tirsan Xafiiska.