Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdiraxman Ducaale Bayle, Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Somalia ayaa maanta Golaha shacabka BFS horgeeyay Misaaniyadda dowladu ku shaqaynayso lixda bilood ee soo socota.
Wasiirka ayaa Xildhibaanada ka dalbaday inay soo calaameeyan dhammaan qodobada ay dhaliisha ka qabaan ee ku qeexan qoraalka Miisaaniyada.
Xildhibaanada baarlamaanka ayaa soo aqrisan doona Miisaaniyada ay soo diyaarisay Wasaarada Maaliyada Xukuumada Somalia waxaana dib leesugu soo laaban doonaa 15-ka July ee bishaani ah.
Guddoonka Golaha Shacabka, ayaa sheegay in Xildhibaanada laga doonaayo in Miisaaniyada ay u yeeshaan aqrin wanaagsan, iyadoo ahmiyada ugu weyn ay tahay in la saxo wixii khaladaad ah ee jira.
Wasii C/rixmaan Ducaale Bayle ayaa sidoo kale horgeeyey Xildhibaanada Qaranka xisaab xirkii dowladda ee sanadaha 2015 iyo 2016.


