SAWIRRO: Xildhibaannada K/G oo kuraas isla dhacay

Baydhabo (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegayo inuu buuq ka taagan yahay howlka Shirarka ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo Maanta la filayey in lagu ansixiyo Guddiga Doorashada Maamulkaas.

Xildhibaanada Koonfur Galbeed ayaa isku khilaafay ansixinta Guddiga Doorashada maamulkaas oo Maanta la filayey in lasoo dhameystiro.

Sida aaan wararka ku heleyno Xildhibaanada ayaa gacanta iskula tagay waxayna isku garaageyn Kuraasta kadib muran ka dhashay ansixinta Guddigaas oo lasoo sheegayo in Xubnaha intooda badan ay wadato Dowladda Federaalka.

Xarunta uu Shirka ka socdo ayaa waxaa goobjoog ka ah Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Dowladda Soomaaliya.

Waxaa la arkayey Xildhibaanada oo feertamayo iyo kuwa isla dhacayo Kuraas, waxaana Xildhibaanada dagaalka ku jiro kamid ahaa kuwa haweenka ah oo la arkayey iyagoo kuraas la dhacayo kuwa ragga ah.

Maanta ayaa loo ballansanaa in la dhameystiro Guddiga Doorashada oo 11 xubin oo kamid ah ay dhawaan is casileen, waxaana muuqato inay arrintaas ka taagan tahay muran aad u badan lamana qiyaasi karo sida ay kusoo dhamamaan doonto.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idiin soo gudbin doonaa Inshaa Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com