Sawirro: Xildhibaanno ka tirsan mucaaradka DF oo Qalbi-Dhagax la kulmay

Nairobi (Caasimada Online)- Waxaa caawa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya soo gaaray Sarkaalka ONLF Cabdikariin Qalbi-Dhagax.

Sarkaalkaan ayaa caawa kasoo duulay Garoonka Boley ee magaalada Addis Ababa waxaana Nairobi kusoo dhaweeyay boqolaal dadweyne oo ay ku jiraan Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somalia iyo Siyaasiyiin xilal kala duwan kasoo qabtay dowlada Kenya.

Xildhibaanada ka tirsan BFS ee soo dhaweeyay Qalbi-Dhagax ayaa waxaa kamid ahaa Xildhibaan Axmed Fiqi oo qeyb weyn ka ah Xildhibaanada mucaaradka ee dowlada Somalia.

Siyaasiyiinta ka qeybqaatay soo dhaweynta Qalbi-Dhagax ayaa waxaa sidoo kale kamid ahaa Faarax Macalin iyo Saraakiil kale oo ka tirsan ONLF.

Qalbi-Dhagax ayaa markii uu kasoo dagay Garoonka Nairobi u gacan qaaday qaar kamid ah dadweynihii soo dhaweeyay waxaana intaa kadib loo dhaadhiciyay Hoteel aan sidaa uga sii fogeyn Garoonka oo uu kusii nagaan doono maalmaha fooda nagu soo haya.

Qalbi-Dhagax ayaa nasiinadiisa kadib lagu wadaa inuu la kulmo qeybaha kala duwan ee Bulshada, waxaana xusid mudan in magaalada Nairobi ay ku sugan yihiin Xildhibaano dhowr ah oo ka tirsan garabka mucaaradka dowlada Somalia kuwaa oo daneynaaya la kulanka Qalbi-Dhagax.

Ma cada in Qalbi-Dhagax uu booqashada Nairobi kadib u safri doono magaalada Muqdisho, walow uu horay u sheegay inuu gaari doono Muqdisho.