25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Qaab dhismeedka xisbiga Xasan oo loo qeybsaday habka 4.5 + Liiska magacyada

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, waxaa xalay ka qabsoomay munaasabad si rasmi ah loogu daah-furay Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) oo ay ku mideysan yihiin madaxda Dowladda Federaalka iyo qaar kamid ah kuwa Dowlad-goboleedyada dalka.

Xisbigan oo uu hoggaamin doono madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay sameeyay bandhig wayn, waxaana ka qayb-galay ergo ka badan 2700 oo ka kala timid daafaha dalka isla markaana ka mid ah Xubnaha Rasmiga ee Urur Siyaasadeedka JSP. Waxaa sidoo kale la shaaciyay hoggaanka saree ee xisbiga, iyada oo lagu kala qaybsaday 4.5.

Guddoomiyaha Xisbiga iyo musharraxa waa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, halka Ra’iisul wasaare Xamza, madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen, guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Sacdiya Yaasiin iyo ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac ay ka yihiin ku xigeenno, halka xoghayaha guud-na loo magacaabay Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa.

Hoos ka akhriso bayaan laga soo saaray ku dhowaaqista Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP).

Shirwaynaha oo ay ka soo qaybgaleen ergo ka badan 2700 oo ka kala timid daafaha dalka isla markaana ka mid ah Xubnaha Rasmiga ee Urur Siyaasadeedka JSP, ayaa lagu ansixiyay Dastuurka iyo Xeerhoosaadyada Ururka iyada oo sidoo kale la doortay Xubnaha Guddiga Fulinta iyo Guddoomiyaha ahna Musharraxa Ururka.

Shirweynaha waxaa kale oo hadaljeedin ka sameeyay Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Ururka, Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen, Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Amiir.

Gunaanadkii, xubnaha uu Shirwaynaha u doortay Guddiga Fulinta ayaa kala ah:

  1. Md. Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka ahna Musharraxa
  2. Md. Xamza Cabdi Barre, Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Siyaasadda, Istaraatiijiyadda iyo Qorsheynta
  3. Md. Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Amniga iyo Dowlad Goboleedyada
  4. Md. Saalax Axmed Jamac, Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Dhaqaalaha
  5. Marwo Sacdiyo Yasiin Samatar, Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Horumarinta Bulshada iyo Wacyigalinta
  6. Md. Cabduraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa), Xoghayaha Guud ee Ururka JSP

- Advertisement -

Read more

Local News