29.9 C
Mogadishu
Thursday, November 13, 2025

Sawirro: Yaa kusoo xajinaya fiisooyinka Sacuudiga ugu deeqay dowladda?

Bookmark
Bookmarked

Share

Jeddah (Caasimada Online) – Kullan labo geesood ah ayaa dhex maray wasiirka Xajka iyo Cumrada Boqortooyada Sacuudi Carabiya Mohammed Salih Bentin iyo wasiirka arrimaha Diinta iyo Awqaafta ee Somalia Iman Abdullah Ali.

Labada dhinac ayaa waxay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo arrimaha ku saabsan xajka sanadkaan oo dalka Somalia ay ka mid tahay dalalka Islaamka ee kumanaan qof kasoo xajiyo gudaha iyo dibada.

Wasiirka Xajka iyo Cumrada ee Sacuudiga ayaa wafdiga wasiirka arrimaha Diinta iyo Awqaafta Somalia ugu deeqay tiro fiisooyinka Xajka ah walow wasiirka Xajka uusan shaacin inta qof ee Sacuudiga ugu deeqay inay sanadkaan soo xajiyaan.

Dadka Sacuudiga uu ugu deeqay fiisooyinka Xajka ayaa isugu jira madax ka tirsan dowladda iyo dad kale oo aan awoodin inay soo xajiyaan, waxaase la ogeyn qaabka loo maamuli doono in lagu saleyn doono nidaamka 4.5 iyo in kale.

Dhanka kale, labada wasiir ayaa waxay ka wada hadleen shuruudo cusub oo lagu soo kordhiyay xajka oo dhinaca caafimaadka, faaya dhowrka iyo arrimo kale oo looga baahan yahay inay Somalia dadka kasoo xajinayo ay fuliyaan.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Jeddah 
[email protected]

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News