Xog cusub: Wasiir Beyle oo unugyo lala yaabay ku dhex yeeshay bankiga dhexe

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka heleyno ilo ka tirsan Bangiga dhexe ee dalka ayaa sheegaya in Wasiirka Maaliyada Xukuumada Somalia C/raxmaan Ducaale Beyle uu caburiyay xubnaha ugu sareeya ee Bangiga.

Ilo wareedka aan xogtaani ka helnay ayaa sheegaya in Wasiirka uu gudaha Bangiga ku dhex sameystay Unugyo si dhow ula socda dhaqdhaqaaqa Maamulka Bangiga.

Unugyada sida dhow ula shaqeeya Wasiir Beyle ayaa la xaqiijiyay inay la socdaan dhaqdhaqaaqa Mas’uuliyiinta heysa Qasnada iyo kuwa leh amarka bixinta lacagaha oo iyagu is fahansan.

Unugyadan ayaa si toosa ula diriraaya isdaba-marinta iyo musuqa laga sheega Bangiga dhexe ee dalka, waxaana aasaaskooda ku lug leh Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre.

Sidoo kale, Unugta ayaa waxaa la rumeysan yahay in labadii maalinba mar la bedelo si aan loola socon howlaha loo igmaday.

Mas’uuliyiinta la daba dhigay Unugyadan ayaa aad ula fajacsan halka laga fashiliyo howlahooda, waxana xusid mudan in xubno kamid ah Unugta ay ka howlgalan qeybaha la doondoonaayo.

Talaabadan ayaa muujineysa in dowlada Federaalka ah ee Somalia ay aad ula dagaalameyso waxa loogu yeero Musuqa ee ragaadiyay Somalia.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com