Sawirro: Yaa loo doortay guddoomiyaha guddiga doorashada guddoonka BF?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha guddiga qaban qaabada ee loo xil-saaray doorashada guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyaga oo iska dhex doortay guddoomiye iyo sidoo kale xoghaye.

Guddoomiyaha guddiga ayaa waxaa loo doortay Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo helay 5 cod kaas oo ay deegaan doorashadiisu tahay HirShabelle, gaar ahaan Beledweyne.

Cabdirisaaq oo ka mid ah xubnaha mucaaradka ayaa hoggaamin doono doorashada guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka iyo ku xigeenadiisa oo dhowaan la qabanayo.

Sidoo kale xoghayaha guddiga qaban qaabada doorashada ayaa waxaa isna loo doortay Xildhibaan Maxamed Abuukar Cabdi oo helay 4 cod.

Madasha ay codeynta ka dhacday ayaa waxaa goobjoog ahaa guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka, Cabdisalaan Dhabancad iyo Xoghayaha joogtada ah ee Golaha Shacabka.

Doorashada guddoonka cusub ee baarlamaanka ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda la qabto, iyada oo shalay la magacaabay guddiga qaban qaabada oo ka kooban illaa 10 qof.

Si kastaba, doorashadan oo si weyn loogu hardami doono ayaa muhiim u ah doorashada madaxweynaha ee afarta sano ee soo socota, taas oo loo geli doono loolan culus.