32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Sawirro: Yaa u maqan dalkan baylaha ah (Maxaa ka socda Xamar?)

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Yaa u maqan dalkaan beylaha ah, waa su’aal taagan marka aad daawadid muuqaalada sawirradaan oo muujinaayo ciidamo boolis ah oo ka socda dalka Nigeria isku soo dhex sawiray garoonkii ugu weynaa Soomaaliya ee kubadda cagta, halkaasi oo xero milateri u ah ciidamo ka socda AMISOM.

AMISOM ayaa mudo lix sano xero milateri u ahaa, inkastoo dadaallo ay sameeyeen bahda ciyaaraha lagu guul dareystay in laga saaro ciidamada AMISOM, Madaxweynaha xilka sii haaya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowr mar dacwado iyo codsiyo lagu dalbanayay in AMISOM ka baxaan garoonka loo gudbiyay, inkastoo uu balan qaaday sanado ka hor in ay ka bixi doonaan, laakiin waaxaa muuqata in Xasan Sheekh awood uu ugu saaro garoonka jirin.

Sawirradaan ayaa ka muuqdo hoolalkii garoonka oo sarakiisha ciidamada booliska ka socda Nigeria ugu shiraya howlahooda iyo sawirro kale oo gudaha garoonka ee kubadda lagu ciyaaro oo ay ku galeen photo group.

Waa ayaandaro in dhalinyarada Soomaaliyeed ay waayaan garoonkii ay xaqa u lahaayeen inay kusoo bandhigaan xirfadooda.

Tani waa damiir xumida madaxda Soomaalida in garoonkii loogu talagalay in lagu hormariyo kubadda cagta iyo ciyaaraha kala duwan ciidamo shisheeye xoog ku deganaadaan oo xero milateri ay ka dhigtaan.

Ma muuqato yadadiilo iyo rajo ah in dib loogu ciyaaro garoonka Stadium Mogadishu, waxaase lga war dhowrayaa isbadalka socda iyo dowladda cusub tallaabada ay

Caalamka lama sheegin garoon ciyaareed loo badalay xero milateri ama in ay degaan ciidamo shisheeye.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

 

 

- Advertisement -

Read more

Local News