32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Xog: Khilaafka sababay in la hakiyo doorashada Aqalka Sare ee gobollada Waqooyi

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan horay u sheegnay waxaa wali hakat ku jira Doorashada xubnaha Aqalka Sare ee gobolada Waqooyi, kadib markii uu soo ifbaxay Khilaaf maalmahaani u dhexeeyay Guddiga Doorashooyinka iyo Xubanha u tartamaaya Doorashada.

Gudoomiyaha gudiga doorashada gobolada waqooyi Jaamac Maxamed Qaalib, ayaa sheegay in Doorashada ay hakat u gashay isfahan xumi yar oo ka dhextaagan Guddiga iyo Xubnaha aan wali la dooran.

Jaamac Maxamed Qaalib ayaa sheegay in khilaaf uu ka jiro doorashada xubnaha dhiman ee Aqalka Sare ee gobolada Waqooyi ,islamarkaana ay ku howlan yihiin sidii arintaasi loo xalin lahaa.

”Hakatka ku jira Doorashada waxaa xalinteeda wada Guddiga Doorashooyinka waxaana ra jeyneynaa inaan soo afjarno Khilaafka ka dhextaagan Guddiga iyo Xubnaha harsan”

Jaamac Maxamed Qaalib, ayaa sheegay in inta badan Kuraasta la doortay isla markaana ay iminka harsan yihiin ilaa 5 Kursi oo aan wali la dooran, sida uu hadalka u dhigay mar uu la hadlaayay Idaacada risaala ee magaalada Muqdisho.

Jaamac Maxamed Qaalib, waxa uu sidoo kale sheegay in Khilaafka ugu weyn uu yahay sida lagu qaban lahaa Doorashada 5-ta Kursi ee wali harsan.

Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in qaar kamid ah Qabiilada xildhibaanada ka helay Golaha shacbiga ay doonayaan in hadana ay kasoo dhexmuuqdaan Aqalka Sare, hayeeshee aysan taa suuragal aheyn.

Si kastaba ha ahaatee, waxa uu Mr Jaamac Maxamed Qaalib, ballanqaaday in si dhaqsi ah lagu soo afmeeri doono Khilaafka iminka taagan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News