Cadaado (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Xildhibaanada maamulka Galmudug ay wadaan qorsho ay dacwad uga gudbinayaan Hogaamiyaha maamulka C/kariin Guuleed.
Dacwada ayaa la sheegay inay la xiriirto Khilaafka Xildhibaanada kala dhexeeya Hogaamiyaha iyo go’aanka ay kalsoonida kala laabteen.
Dacwada oo la sheegay in loo gudbin doono Wakiilada Beesha Caalamka, ayaa la xaqiijiyay inay tahay mid qodobeysan oo lagu qeexay dhammaan waxqabad la’aanta iyo howlaha horyaal Baarlamaanka ee uu is hortaagay Guuleed.
Go’aanka ay Xildhibaanada ku gudbinayaan Dacwada ayaa timid kadib markii Hogaamiyaha maamulka C/kariin Guuleed uu shaaciyay in xaalad degdeg ah lagu soo rogay deegaanada maamulka.
Dacwadaani ayaa barbar socta dacwad horay looga gudbiyay Hogaamiyaha maamulka C/kariin Guuleed taa oo la xiriirtay in Guuleed oo beeniyay awooda Xildhibaanada.
Sikastaba ha ahaatee, waxaa suuragal ah in Dacwadaasi ay waxbadan ka bedesho Khilaafka iyo go’aanka ay gaaren Xildhibaanada maadaama Beesha Caalamku ay Guuleed horay ugu eedeysay inuu musuqay Doorashada labada Aqal ee ka dhacday Cadaado.
Caasimada Online
Xafiiska Cadaado

