SAWIRRO: Shirweyne caalami oo looga hadlayo SOMALIA oo ka furmay Dubai

Dubai (Caasimada Online) – Magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta waxaa maanta oo Isniin ah ka furmay shirweyne caalami ah oo looga hadlaayo wax soo saarka Soomaaliya ee xagga beeraha, badda iyo xoolaha.

Shirka oo ka furmay xarunta ganacsiga ee Dubai. waxaa ka qaybgalay hey’addo caalami ah, mas’uuliyiin ka socda maamulada Soomaalida, diplomaasiyiin iyo ganacsato caalami ah oo doonaya in ay maalgashi ka sameestaan Soomaaliya.

Shirkan sidda ay sheegeen dadka soo qaban qaabiyay wuxuu socom doonaa muddo seddax cisho ah, waxaana lagu soo bandhigi doonaa fursadaha ay Soomaalida u heli karaan in ay suuq geyn iyo maalgashi ballaaran ay u helaan wax yaabaha ay soo saaraan.

Waxaa shirka furmay wasiirka ganacsiga dowladda Soomaaliya.

Waa shirkii ugu horeeyay ee la qabto tan iyo markii ay meesha ka baxday dowladii dhexe ee Soomaaliya.

Inta uu socdo waxaa kaloo lagu soo bandhigi doonaa Soomaalida wax yaabaha ay soo saaraan tusaale beeraha Muuska, badda Kalluunka iyo wixii la mid ah iyo xagga xoolaha oo Soomaalida ay tahay waddanka labaad ee dunidda ee dhoofiya xoolo.

In shirkan la qabto waxaa hadda keentay sidda ay lee yihiin qaban qaabiyaasha isbadal xagga nabadda ee ka jirta Soomaaliya iyo deegannada kale ay degto Soomaalida sidda Kenya iyo Ethiopia.

1888474_10152104506249475_65140079_n

1899987_10152104506389475_749749016_n

998434_10152104506199475_1320344403_n

1899987_10152104506389475_749749016_n

Xuquuqda Sawirrada waxaa leh BBC Somalia iyo Farxaan Maxamed Jimcaale

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Khaliijka

Caasimada@live.com