Xog: Sirdoonka waddanka Holland oo dhageysta taleefonnada Soomaaliya

Amsterdam (Caasimada Online) – Hay’adda Adeegga Ammaanka (MIVD) iyo Sirdoonka Milliteriga dalka Holland ayaa la sheegay inay si sharci-darro ah u raad-raacaan Xogaha ama Daatooyinka Telefoonadda iyo Kombiyuutaradda ay dadka Soomaalida adeegsadaan.

Aqalka Wakiilladda ee Barlamaanka Holland, ayaa tilmaamay inay sharci-darro tahay in fasax la’aan la dhegeysto ama la dabagalo Telefoonadda iyo Xogaha ku kaydsan Telefoonadda iyo Kombiyuutaradda ay dalalka Shisheeye leeyihiin.

Wargeyska NRC Handelsblad ee ka soo baxa caasimadda dalka Holland ee Amesterdam ayaa lagu soo daabacay Labo Dukumenti oo cusub oo uu soo bandhigay Khabiir u dhashay dalka Maraykanka oo lagu magacaabo Edward Snowden, laguna qeexay inay Hay’adaha Sirdoonka Hollad si toos ah u dhegeystaan una turjuntaan Telefoonadda Soomaaliya.

Edward Snowden oo ahaan jirey Qandaraasle u shaqeyn jirey Hay’adda Ammaanka Qaranka Maraykanka (NSA), haatan magangeliyo ahaan ugu nool dalka Raashiya ayaa qoraalladiisa ku soo bandhigay inay Hay’adaha Sirdoonka ee Holland iyo kuwa Maraykanka is-dhaafsadaan Xogaha ama Daatooyinka Shirkadaha Telefoonadda Somalia iyo in la turjumo wada-sheekeysiga dadka Soomaalida ee Holland ka soo hadla.

Wargeyska ayaa qoray in ay Hay’adda NSO ee Holland turjumaan Xogaha la dhegeysto, iyadoo Hay’addaasi isbahaysi la ah Labada Hay’addood oo Holland ugu qaabilsan Hawlaha Sirdoonka, kuwaasi oo Hay’adda Guud ee Adeegyadda Sirdoonka (AIVD) iyo Hay’adda Ammaanka Holland (MIVD).

Warbixinta uu Edward Snowden ku qoray Wargeyskaas ka soo baxa Holland, ayaa lagu inay Dowladda Holland u adeegsadaan Sirdoonka dhegeysiga Telefoonadda Somalia si ay ula socdaan Hawlgalladda Burcad-baddeeda ka qowleysata Xeebaha dalka Somalia.

Warbixinta waxa kaloo lagu xusay inay suurto-gal tahay inay Maraykanka u urursadaan Xogaha Telefoonadda si ay Diyaaradaha aan Duuliyaha Lahayn ee Drones-ka bar-tilmaameed uga dhigtaan Shaqsiyaadka lagu tuhunsan yahay inay xubno ka yihiin waxa ay Reer Galbeedka ugu yeeraan Kooxaha Argagixisadda.

Dhinaca kale, Hay’adda Guud ee Adeegyadda Sirdoonka dalka Holland (AIVD) ayaa la sheegay inay jabsadeen Website-yo ay leeyihiin Kooxaha Islaamiyiinta Somalia, waxaana falkaasi lagu tilmaamay mid looga dan lahaa in lagu raad-raaco Xogaha ku kaydsanaa Website-yadaasi oo aan magacyadooda la shaacinin.

Xigasho: NRC Handelsblad