Saylici oo ‘ka bad-badis’ ku tilmaamay cabashooyinka beelaha gobolka AWDAL

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Saylici ayaa si yaab leh uga hadlay tabashooyinka ay qabaan beelaha dega gobolada Awdal, kuwaasi oo dhowr jeer ka deyriyay saami-qeybsiga kuraasta golaha wakiilada Somaliland, oo doorashadoodii dib loo dhigay.

Cabdiraxmaan Saylici ayaa tabashooyinkaasi ku sheegay kuwo ‘ka bad-badis ah’, oo ay Mucaaridku ku xumeynayaan xukuumada talada Somaliland haysa ee uu hogaamiyo Muuse Biixi, waa sida uu hadalka u dhigay Madaxweyne ku-xigeenku.

Saylici ayaa sheegay in uu dadaal badan u galay in xukuumadihii Kulmiye ee ku tirsanaa uu horkeeno bulshada Awdal, si ay tabashooyinkaasi uu ku sheegay ka bad-badiska ay uga wada-hadlaan, isagoona carabka ku adkeeyay in wax laga qabtay inta badan tabashooyinkii ay hore u qabeen beelahaasi, walow ilaa hadda la sheego in wax buuran laga qaban.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sidoo kale waxa uu Mucaaridnimo fogaatay ku tilmaamay Jabhadaha ka abuurma tabashooyinka ay xukuumadu waxba ka qaban weydo, kuwaasi oo uu ka Mas’uul ahaan u arko wax ka baxsan xayndaabka tabashada, isla markaana ay shaqsiyaad gaar ah ku rabaan in la kala gooyo dal aan kala qeybsam karin, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Cabashooyinkaasi marka la isku yimaaddo ee la wada-hadlo ee Xukuumad ahaan iyo Gobol ahaan loo wada-hadlo wax wax laga soo qaadi karaa wuu jiraa, wax ka badbadis ahina wuu ku jiraa, taasi oo u badan Mucaaradad ku xumee ah” ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland.

“Anigu muddadii 7-sano ahayd ee aan la shaqaynayey Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo waxaan mar walba ku dedaalayey in aanay gacan ka hadal ka gaadhin, Dadka reer Awdalna waxay tabanayaan ay mar walba Xukuumaddooda kala hadlaan, wayna dhacday oo ururin faro badan baan sameeyay anigoo mar walba ku soo koobaya in aanay Dadkaasi ka bixin Xadka Somaliland iyo wixii Ummaddani ku heshiisay, oo aan mar walba horkeeno Madaxweynaha iyo Xukuumaddii markaa jirtay oo laga wada-hadlo, way jirtay marar badan oo waxyaabihii ay tabanayeen qaybo ka mid ah wax laga qabtay, wax ka mid ah Tabashadaa oo aan badnayna imika way jirtaa”.

Wuxuuna intaas sii raaciyey Saylici “In Jabhado la sameeyaa waa wax Tabasho ka badan oo Mucaaradnimo la gashay, Dadka qaarkoodna waxay dabada ula gashay wax ka ballaadhan (Jabhadnimo) oo halkan aanan ka faahfaahin karayn”.

“Siyaasad ka baxsan Somaliland, Dad ay Maskaxdooda ku jirto Itoobiya oo dabada ka geliyo, Gobol gaar loo goosto, waxaas oo Tabashadii ka siyaado ah iyo waxaan Qarankan ka suurto-geli Karin, Waayo? Qarankani waa Qaran jira, Dalka Cid kala goyn kartaana ma jirto, wixii Waaqiciga ahaa markii laga wada-hadlayna waalla dhameeyay”.

Somaliland ayaa muddooyinkii dambe waxa lagaga dhawaaqayey Jabhado ka dhan ah maamulkooda, kuwaasi oo ujeedkooda inta badan lagu sheego in xukuumadu waxba ka qaban weyday tabashooyinka ay ka tirsanayaan, midaasina ay sababtay inay xaqooda ku dhacsadaan qori caaradii, waa sida ay aaminsan-yihiine.