Xukuumadda Somaliland oo ka baxday heshiis 30 sano ah oo ay hore u saxeexday

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa ka baxday heshiis ay hore u saxiixday oo mudadiisu dhameyd 30-sanno, kaasi oo ay Muwaadiniin reer Somaliland ah ugu wareejisay huteelka Hargeysa Club.

Somaliland ayaa gebi ahaanba ka baxday heshiiskaasi oo sida la sheegay aysan mudadiisu dhamaan, isla markaana si qasab ah kala wareegtay huteelkaasi labo muwaadin oo ay hore uga kireyso, kuwaasi oo ku sameeyay maalgashi ay kaga baxday dhaqaale badan.

Tobabare Jaamac Karaciin iyo Suldaan Siciid Yuusuf Du’ale waa labada shaqsi ee xukuumada Biixi la gashay heshiis dhan 30-sanno ah oo ay kaga kireynayso huteelka Hargeysa Club.

Heshiiskan ay maanta burisay xukuumada Muuse Biixi ayaa waxa hore u saxiixay xukuumadii Daahir Rayaale, iyada oo ay dibna u cusbooneysiisay xukuumada Biixi muddo dhan 30-sanadood oo kale.

Warqad qoraal ah oo kasoo baxday Xafiiska wasiirka Howlaha guud ayaa lagu sheegay in Xukuumadu ay si rasmi ah uga laabatay heshiiskaasi ay hore ugu kireysay Hargeysa Club, iyada oo aan si cad u sheegin sababta kaliftay in la buriyo heshiiskaasi.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxa hadda huteelka gacan ku hayntiisa la wareegay Ciidamo boolis ah, kuwaasi oo fulinaya go’aanka ay xukuumadu uga laabatay heshiiskaasi oo mudadiis la gaadhin.

Inkasta oo aysan cadeyn sababta rasmiga ah ee ka dambeysa in xukuumadu ka baxdo heshiiskaasi, ayaa haddana waxa ay talaabadani kusoo beegmaysa iyada oo Suldaan Siciid Yuusuf oo kamid ah labada shaqsi ee heshiiska ay la gashay Xukuumadu uu gobolka Sanaag ugu maqan yahay arrimaha nabadeynta.

Maaha markii u horeysay ee Xukuumada Somaliland ay ka baxdo heshiis muddo badan ah, iyada oo hore u laashay heshiisyo sanado badan ah oo ay hore ula gashay shirkado ka howl-gala gudaha deegaanadeeda, arrintaasi oo dhalisay walaac hor leh oo ku aadan damaanada heshiisyada lala galo xukuumada Biixi.