Dubbe: Madaxweynihii Tuute ayuu xirtay, xildhibaannadii qaaci ayey tumanaayaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Cusmaan Abuukar Dubbe oo maanta ka hadlay fadhiga Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn u canaantay Xildhibaannada, xilli dalka uu ka socdo dagaal Al-Shabaab ka dhanka ah.

Dubbe ayaa wuxuu ugu baaqay Xildhibaannada iyo madaxda kale ee dalka in ay dagaalka qeyb ka noqdaan oo aan kaligiis lagu fiirsan Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan ayaa muddo toddobaad ka badan magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulka Galmudug u jooga howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee looga xoreynayo deegaanada weli ku harsan tahay kooxda ee maamulkaasi, kaasi oo dhameystir u ah wejiga koowaad ee dagaalka.

Senator Dubbe ayaa eed culus u jeediyay Xildhibaannada, isaga oo sheegay in qaarkood ay  ku mashquuleen qaaci iyo dalxiis halka madaxweynihii dalka uu jooga furimaha dagaalka.

“Madaxweynihii Jamhuuriyadda Tuute ayuu xirtay, furintii ayuu joogaa, Xildhibaannadii Qaaci ayey tumanaayaan oo Xamar bey joogaan, qaar kooda Ciyaaraha ayey daawanayaan,” ayuu yiri Senator Dubbe.

Waxa uu intaas kusii daray “Waa in dagaalka la wada galo oo furimaha la wada tago, waana in la fasaxo waxbarashada, shaqaalaha dowladda, si loo wada galo dagaalka dalka looga xoreynayo argagixisada.”

Waxa uu soo jeediyay si guul wax ku ool ah looga gaaro dagaalka socda loo wada istaago, taasi bedelkeedana ay noqoneyso Soomaaliya meel laga quusto haddii laga adkaan waayo argagixisada.

“Waxa ay ahayd dhammaanteen in aan gurmanno, maanta jiritaankeen ayaa la’isku hayaa, intii aan u gudbin Federaal. Dad baa u haysta in haddii Xasan Sheekh uu ku soo jabo dagaalka in dowlad cusub iska imaaneyso; Wallaahi in aanan noqoneynin, Soomaaliya waxa ay noqoneysaa meel ay ka quustaan maalgaliyaasha.”

Sidoo kale waxa uu yiri “Shaqada waan u soo laabaneynaa ee dagaalka aan wada galno, waxa aan raabnaa in dowladdu fasaxdo Iskuullada, Jaamacadaha, shaqaalaha iyo Wasaaradaha, dalka waxa uu ku jiraa inta uu u dhaxaysa nolol iyo geeri, haddii kale taariikhda waxa la oran doonaa dad Soomaali ah baa jiri jiray.”

Hadalkaan ayaa imanaya xilli uu dalka ku socdo dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh, oo hadda xarun ka dhigtay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulka Galmudug.