Senator Fartaag oo eedeyn kulul dusha kaga tuuray Xukuumada Somalia

Muqdisho (Caasimada Online)-Magaalada Balad Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa waxaa weli ka taagan xiisad u dhaxeysa dadka deegaanka iyo Ciidamada Kenya oo la sheegay inay mareyso heerkii ugu xumaa.

Xiisada oo cirka isku sii shareereysa ayaa ka dambeysay kadib markii Dowladda Kenya ay iskudayday in ay dib u bilaawdo derbiga ay ka dhiseyso Xadka,iyada oo lagu eedeynayo in ay ku soo xadgudubtay dhulka Soomaaliya.

Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil  Fartaag oo kamid ah Xildhibaanada Aqalka Sare ee dalka ayaa ku eedeeyay Xukuumadda Soomaaliya in aysan waxba ka qaban faragelinta dowladda Kenya ay ka waddo degmada Baledxaawo.

Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil  Fartaag, waxaa uu sheegay in hanti boobka lagu hayo dadka kunool Baledxaawo ay indhaha ka qarsatay Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Waxa uu sheegay in dhowr jeer ay dhacdooyinkaan ku wargaliyeen Xukuumada Somalia, hase ahaatee ay Xukuumadu waxba kasoo qaadin qeyla dhaanta shacabka Baled xaawo.

Senator Fartaag ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in marnaba aysan xukuumado ka hadlin faragelinta dowladda Kenya ee Baledxaawo, waxa uuna talaabada ceynkaasi ah ku sheegay mid lagu muujinaayo in Xukuumadu ay ka raali tahay.

Sidoo kale, Fartaag ayaa Xukuumada Somalia uga digay inay kusii adkeysato ka aamusida boobka iyo xadgudubyada ay dowlada Kenya kawado degmada Baled xaawo, waxa uuna ku goodiyay inay qaadi doonaan ololo ka dhan ah Xukuumada.

Talaabadaan ayaa kusoo beegmeysa xili maalmihii lasoo dhaafay ay waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshadda degmada Baledxaawo ay cabasho ka muujinayeen dowladda Kenya oo ay sheegeen in ay dhul balaarsi ka waddo  degmada Baledxaawo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com