Sawirro: Jubbaland oo rasaas ooda uga qaaday Shacab duugaayay Godad waaweyn oo ay qodeen ciidamada Kenya

Kismaayo (Caasimada Online)-Gelinkii hore ee maanta ayaa waxaa rasaas ay ciidamada maamulka Jubbaland ooda uga qaade dad shacab ah oo ku guda jiray duugista godad waaweyn oo ay qodeen ciidamada Kenya ee Balad Xaawo.

Dadkaani shacabka ah ayaa duugista godadka bilaabay kadib markii ay goobahaasi isaga baxeen ciidamada Kenya oo fariisin ku lahaa.

Ciidamada Jubbaland oo u muuqday kuwo garabsiinaayay ciidamada shisheeye ee Kenya ayaa laba jiho rasaas kala soo galay dadka shacabka ah, waxaana la sheegay inay is hortaag ku sameeyen godadka la duugaayay.

Mas’uuliyiinta Maamulka Jubbaland ayaa waxgaradka Balad Xaawo ay ku eedeeyeen in ay mas’uul ka yihiin dhibaatada ka taagan Magaaladaas,iyaga oo u fasaxay dowladda Kenya in ay ku soo xadgudubto dhulka Soomaaliya.

Magaalada Balad Xaawo ee Gobolka Gedo waxaa weli ka taagan xiisad u dhaxeysa dadka deegaanka iyo Ciidamada Kenya.

Xiisadaas ayaa ka dambeysay kadib markii Dowladda Kenya ay iskudayday in ay dib u bilaawdo derbiga ay ka dhiseyso Xadka,iyada oo lagu eedeynayo in ay ku soo xadgudubtay dhulka Soomaaliya.

SAWIRRO