Fallanqeyn: Jawaari malaha aragti ku dhisan xaqiiqda siyaasadeed (Political Realism)

Anigu markaan tilmaamayo  siyaasi  damac siyaasadeed uu  ku jiro waa aragtida falsafad oo kuu sharaxaysa in Qofka siyaasiga ah ama hogaanimo damac kaga jirto waa inuu la yimaadaa sharraxaad cad waxa uu doonayo ee dhabta ah si fudud loo fahmo cadaaladu u tahay dhaqan siyaasadeed.

Guddoomiye jawaari wuxuu isticmaalaa sharciga halagu dhaqmo marka uu warbaahinta la hadlayo hadalkan ka soo yeeraya ma yahay xaqiiq siyaasadeed oo isagu ku dhaqmo ama dhamaan madaxda dawlada Faderaalka ee wada shaqeyntu kala dhaxayso.

Shaqada baarlamaanka Faderaalka soomaaliya laga sugayey waxay ahayd in sida ugu u sahlan la ansixiyo sharciga, xukumadu ku shaqeynayso iyo inay baarlamaanku ilaaliyo sharciga xukumadu ku shaqaynayso arinkan waa ka suurta galiwaayey Golaha baarlamaanka ee gudoomiye jawaari hor fa dhiyo arinkan sharaxaad uma baahna hadaad aamin san tahay xaqiiqda siyaasada.

Markaa mooshinka waxaa keenay xaqiiqda siyaasadeed ee jirtay oo guddoomiye jawaari iska indhatiray.

Aniga Falanqeyn taydu waxay farta ku fiiqaysaa Qarankasta waxaa Qiima badan ugu Fadhiya Golahiisa Barlamaanka oo ah wakiilada bulshada Qarankaa ee ilaaliya heshiiska bulshadu ku heshiisay.

Waa meesha laga daawada awooda sharciga iyo nidaamka bulshada iyo hirgalinta Dawlad wanaagsen. Intaas inay hirgasho waxaa diiday Guddoomiye jawaari oo bulshada u sheegin xaqiiqda siyaasadeed ee ka jirta wadanka.

Xaqiiqda siyaasadu waxay noosheegaysaa in Baarlamaanka tobnaad ee Soomaaliya iyo kii ka horeeyey ee sagaalaad ay wali wada isticmaalaan xeer hoosaad isku mid ah.

Arinkan wuxuu tilmaam wanaagsen u yahay Fashilka Gudoomiye jawaari. in mudo hal sano oo. wax mooshin ah jirin maxay u sameyn waa yeen heer hoosaad waqtiga lagu shaqeyn karo.

Tan iyo markii uu soo if baxay Mooshinka laga keenay Guddoomiye Jawaari ayaa waxaa Golaha shacabka hareeyay khilaaf iyo kala qeybsanaan, taasoo saameyn ku yeelatay howlihii caadiga ahaa ee Baarlamaanka Waxaa soo baxdey ceebo badan oo dhex taal shaqada Golaha baarlamaanka faderaalka Hadii wali aanuu jirin xeer hoosaad baarlamaanka tobnaad ku shaqeeyaan  Sidee loogu shaqayn karaa xeer hoosaadkii baarlamaankii sagaalaad arinka sow kama foga xaqiiqda siyaasaded ee runta ah.

Arinkan waa fashil hor yaal Guddoomiye jawaari. Xagee buu ku maqnaa mudada halka sano ah ee uu jiray baarlamaanka Tobnaad.

Xaqiiqda dhabta ah ee aan Falanqeyntayda ku soo gaba gabaynaya waxay tahay halis kasta oo soo wajahda golaha baarlamaanka Faderaalka waxaa masuuliyadeeda qaadanaya Guddoomiye jawaari isagaa waqti u waayey inuu sameeyo xeer hosaad ugaara baarlamaanka Tobnaad .

waxaa iska cad in xildhibaanadii u qayb sameyn laba qeybood oo aad u.kala fog. Waxaan tusaale kuu ah Illaa iyo hada wali laguma heshiinta goobta lagu qabanayo cod u qaadista mooshinka jawaari iyo xilliga la qabanayo.

Fikirka aan Qoray waa mid  iigaar ah oo aan ku cabiray maxaa ka qaldan Golaha baarlamaanka

W/Q: Danjire Maxamed Caalim