Aqalka Sare oo degdeg ugu yeeray Afar Wasiir oo ka tirsan Xukuumadda Kheyre Iyo Arrinta loo heysto

Muqdisho-(Caasimadda Online)-Kulan ay maanta isugu yimaadeen Xildhibaanada Golaha Aqalka sare ee Soomaaliya ayey kaga hadleen arimo kala duwan  oo ay ka mid tahay warbixin ay ka dhageysteen Guddi ay u xil saareen xiisadda ka taagan degmada Beladxaawo iyo Mandheera taas oo salka ku haysa xadgudubka ay kenya ku hayso dhulka soomaaliya.

Kulan ay yeesheen xildhibaannada Aqalka Sare ayaa waxaa warbixin ka jeediyey Senator C/llaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo sheegay in xaaladda Gobolka Gedo ee xuduudka la leh Kenya ay ka jirto dhibaato weyn oo ku saabsan xadgudub ay Kenya ka wado dhulka xuduudka ah.

Wuxuu warbixin dheer ka siiyay Golaha dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee degmada Beledxaawo iyo kulan dhex maray maamulka Mandheera iyo maamulka Gobolka Gedo, kadin markii muran ka dhashay Derbiga Kenya ka dhiseyso xuduudka uu keenay in la xiro xuduudka.

Xildhibaanada Golaha Aqalka sare ayaa isku raacay in arintaan ay wax ka weydiyaan 4 Wasiir oo ka tirsan Xukumada Fedraalka ee Soomaaliya.

Wasiirada Aqalka Sare u yeeray si wax looga weydiiyo xaaladda ka taagan Gobolka Gedo iyo xadgudubka dowladda Kenya ayaa kala ah: Wasiirka Gaashaandhiga Maxamed Mursal Sheekh, Wasiirka Amniga gudaha Maxamed Abuukar Islow, Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Aden Sabriye iyo wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com