Akhriso liiska Magacyada Guddi cusub oo maanta loo saaray Weerarkii Guriga Cabdi Qeybdiid

Muqdisho-(Caasimadda Online)-Xildhibaanada Aqalka sare oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa guddi cusub u saaray Weerarkii sanadkii hore ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya ku qaadeen guriga uu Muqdisho ka degan yahay Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Senator Cabdi Qeybdiid ayaan ku qancin gudi uu horey umagacaabay madaxweynaha soomaaliya maxamad cabdulaahi farmaajo gudigaas oo aan wali wax natiijo ah kasoo bandhigin baaritaanadii ay sameeyeen weerarka Cabdi Qeybdiid gurigiisa lagu qaaday.

Guddiga cusub ee maanta loo saaray baaritaanka Weerarkii Guriga Cabdi Qeybdiid ayaa ah Xildhibaano katirsan Aqalka sare, waxa ayna baaritaan deg deg ah ku sameyn doonaan weerarka guriga Senatorka lagu qaaday.

Guddigan oo ka kooban shan xubnood ayaa waxaa guddoomiye looga u ah Maxamed Amiin Sheekh Cisman halka guddoomiye ku xigeen looga dhigay Axmed Xaashi Maxamuud.

Halkan ka Akhriso magacyada Guddiga la magacaabay

1-Maxamed Amiin Sheekh Cisman Gudoomiyaha Guddiga

2-Axmed Xaashi Maxamuud, Gudoomiye kuxigeenka Guddiga

3-C/saaq Axmed Cali :Xubin

4-C/hi Sheekh ismaacil Fartaag:Xubin

5-Cabdulaahi Cabdi Garuun:Xubin

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com