Dhageyso: Aqalka Sare oo dalbaday in ciidamo ka tirsan AMISOM la geeyo dhismaha aqalksa sare

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa fadhigii maanta ee Golaha yeesheen ka sheegay in Ciidamo AMISOM oo suga amniga xarunta dhowaan la keenayo.

Cabdi Xaashi ayaa sheegay in arrintan ay muddo soo socotay, isla markaana horay codsi ugu direen AMISOM, kana soo jawaabeen sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay qoraalkaasi Amisom inuu gaaray, ayna rajeynayaan in ciidamada Amisom la keeno Xarunta Golaha Aqalka Sare oo hadda ay illaaliyaan amnigiisa ciidamada dowladda.

“Waxa weeye arrintaasi muddo dheer ayeey socotay Aqalkani, go’aan ayuu ka gaadhay uu leeyahay waa in la keenaa Amisom, qoraal baan u qornay Amisom waan sugeynaa arrintaasi, kolkaa waxa weeyen aqalkaan waa la keeni doonaa.” Ayuu yiri Cabdi Xaashi.

Tani ayaa muujinaysa in xubnaha madaxda Somalida aysan ku qanacsaneyn ciidamada Somalida taa bedelkeedana ay ka jecel yihiin amnigooda inay sugaan ciidamada Amisom.

Amisom ayaa hadda waxa ay sugtaa ammaanka xarumaha waaweyn, sida Madaxtooyadda, Golaha Shacabka, Dakadda iyo Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho, liiskaan waxaa ku soo biiri doonaa haddii Amisom ay aqbasho xarunta Golaha Shacabka.

Ammaanka Xarunta Aqalka sare ayaa waxaa gacanta ku haya Ciidamada Nabadsugida Qaranka, waxaana haddii AMISOM la wareegaan ammaanka xaruntan ka mid noqoneysa meelaha ay ammaankooda gacanta ku hayaan, sida Madaxtooyada, Xarunta Golaha Shacabka, Dekeda Muqdisho, iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Halkaan ka dhageyso hadalka Guddoomiyaha

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com