Sawirro: Oradyahan caan ah oo u wareegay kubadda cagta kuna biiray koox awood leh

Usain Bolt (31-jir) ayaa maanta ku biiray kooxda kubadda cagta ee jarmalka ah Borussia Dortmund kadib markii uu kasoo wareegay oo uu ka soo xiiso-beelay orodka oo uu ku caan baxay.

Bolt ayaa kaalimaha koowaad ka galay orodka 100- iyo 200 mitir, waxaana uu ka haystaa biladda adduunka.Orodyahankan oo marnaba qarin in uu mar uun u ciyaari doono koox caan ah kubadda, ayaa riyadiisii run ka dhigay waxaana wadahadal u socday in mudo ah kooxda Borussia Dortmund kusoo dhamaaday in uu ka mid noqdo kooxdaasi.

Waxaan doonayaa in aan ka mid noqdo 50-ka ciyaaryahan ee adduunka ugu caansan dhanka banooniga, waxaana rabaa in aan noqdo weeraryahan dhaliya 20 gool hal xilli-ciyaareed” ayuu yiri Usain Bolt.Garoonka uu ku tababaranayay ayaa waxaa soo buux-dhaafiyay taageerayaal aad u farabadan, waxaana uu siiyay qaarkood saxiixyo.

Kooxda uu ugu jecelyahay banooniga ayaa waxa ay tahay kooxda Manchester United, waxaana uu mar rajeynayaa in uu iyaga ka mid noqdo.

Mr. Bolt ayaa ka fariistay ciyaaraha orordka sannadkii hore, isagoona ka gaaray heer sare oo ilaa iyo iminka la hayn cid gaarta orodyada qaar.