Senator-kii Labaad oo lagu doortay Baydhaba iyo wararkii ugu dambeeyay doorashada

Baydhabo (Caasimada Online) – Waxaa goordhoweyd magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee Koonfur Galbeed lagu doortay Kursigii labaad ee Aqalka Sare ee maamulkaas, taasi oo ay ku tartameen labo musharax oo dumar ah.

Kursiga 2-aad ee maanta doorashadiisa ka dhacday magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku tartamay Ayaan Aadan Cabdullaahi iyo Farxiyo Nuur Aadan, oo kamid ah musharaxiintii uu hore u shaaciyey madaxweyne Lafta-gareen.

Waxay guusha Kursigaas raacday Ayaan Aadan Cabdullaahi oo ayadu noqoneysa Senator-kii labaad ee laga soo doortay deegaanada Koonfur Galbeed ee ku metelaya Aqalka Sare ee dalka.

Ayaan Aadan Cabdullaahi ayaa heshay 79 cod, halka Farxiyo Nuur ay heshay 8 cod oo keliya, sida ay ku dhawaaqeen guddiga doorashada ee maamulka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale waxaa goor sii horeysay loo doortay Kursigii ugu horeeyay ee Aqalka Sare ee maamulkaas, kaasi oo ay ku guuleysatay Zamzam Ibrahim Cali oo ayadu horey u aheyd Senator ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, islamarkaana markale difaacatay kursigeeda.

Waxaa haatan la guda-geli doonaa doorashada saddexda kursi ee kale ee la shaaciyey, taas oo isla maanta lagu qabanayo magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Koonfur Galbeed ayaa noqoneyso maamul goboleedkii labaad ee billaaba doorashada, gaar ahaan soo xulista Senatorada cusub ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.