Washington (Caasimada Online) – Senator-ka Mareykanka Ted Cruz ayaa muujiyay kalsooni xooggan oo ku aaddan in Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu aqoonsan karo Somaliland ka hor inta uusan dhammaan muddo xileedkiisa.
Cruz ayaa Somaliland ku tilmaamay saaxiib istaraatiiji ah oo muhiim u ah danaha Mareykanka ee Geeska Afrika, isaga oo carrabka ku adkeeyay in ay leedahay door muuqda oo dhinaca amniga iyo siyaasadda gobolka ah.
Hase yeeshee, sarkaal sare oo ka tirsan Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa si ka duwan u arka arrintaasi, isaga oo sheegay in Washington ay weli ku taagan tahay siyaasaddeeda ku aaddan midnimada Soomaaliya.
Sarkaalkaasi ayaa xusay in inkastoo Mareykanku aaminsan yahay midnimada Soomaaliya, haddana uu sii xoojinayo xiriirka uu la leeyahay Somaliland, maadaama ay tahay dhinac muhiim ah oo kaalin ka qaata xasilloonida gobolka.
Senator Cruz ayaa hadalladan ka jeediyay kulan ay yeesheen Guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka Senate-ka Mareykanka, halkaas oo si qoto dheer looga dooday arrimaha Geeska Afrika.
Waxa uu sheegay in Somaliland ay door muuqda ka qaadato sugidda amniga marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee Gacanka Cadmeed, oo ah marin muhiim u ah ganacsiga caalamiga ah.
Sidoo kale, Cruz ayaa tilmaamay in Somaliland ay si wax ku ool ah uga qayb qaadato la dagaallanka kooxaha argagixisada iyo budhcad-badeedda, kuwaas oo khatar ku ah amniga gobolka iyo kan caalamkaba.
Waxa uu intaas ku daray in Somaliland ay xiriir dhow la leedahay dalal ay ka mid yihiin Taiwan iyo Israel, kuwaas oo ah saaxiibo istaraatiiji ah oo Mareykanka leeyahay.
Arrintan ayuu Cruz ku sheegay mid sii kordhinaysa muhiimadda juqraafiyeed iyo tan siyaasadeed ee Somaliland, gaar ahaan marka la eego tartanka quwadaha waaweyn ee ka jira gobolka.
Senator Cruz ayaa sidoo kale shaaciyay in uu warqad u diray Madaxweynaha Mareykanka, taas oo uu kaga codsanayo in si rasmi ah loo aqoonsado Somaliland.
Waxa uu xusay in tallaabadaasi ay si weyn uga cadhaysiisay dowladda Shiinaha, isla markaana Beijing ay si deg deg ah uga falcelisay, arrintaas oo uu ku tilmaamay caddeyn muujinaysa qiimaha istaraatiijiga ah ee Somaliland.
Dhanka kale, sarkaalka ka tirsan Waaxda Arrimaha Dibadda ayaa sheegay in suurtagalnimada heshiis difaac oo dhex mara Mareykanka iyo Somaliland ay u baahan tahay qiimeyn dheeraad ah iyo go’aan siyaasadeed oo heer sare ah.
Si kastaba, Senator Cruz ayaa muujiyay rajo ah in maamulka Trump uu qaadi doono tallaabooyin lagu xoojinayo xiriirka Somaliland iyo Mareykanka, isla markaana ay jirto fursad ah in aqoonsi rasmi ah la siiyo inta lagu jiro muddada xilka ee madaxweyne Trump.

