Seychelles oo dacwad culus ka gudbineyso SOMALILAND

Hargeysa (Caasimada Online) – Dowladda Seychelles ayaa si xoogan u cambaareysay illaa 19 Maxaabiis ah oo loo heystay Burcadbadeednimo, kuwaas oo uu dhowaan madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi u fidiyey cafis, lagana sii daayey xabsi ku yaalla gudaha magaalada Hargeysa ee xarunta maamulkaasi.

War ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibada dalkaasi ayaa lagu sheegay in Somaliland ay ka baxday heshiis ay horay ula gashay Seychelles, kaas oo ku aadanaa in Maxaabiista lagu eedeeyey Burcadbadeednimada ay ku sii jiraan xabsiga inta ay ka dhameysanayaan xukunka ku dhacay.

Sidoo kale Seychelles ayaa sheegtay inay la yaab ku noqotay tallaabada lagu sii daayey Maxaabiistaasi ee dib loogu siiyey Xorriyadooda.

“Sanadkii 2011 waxaan kala saxiixanay heshiis isfaham oo la xiriiray iswaydaarsiga maxaabiis xukuman, sanadkii 2012 maxaabiis gaaraya 19 ayaanu ku wareejinay hay’addaha maamula xabsiyada Somaliland si ay u dhamaystaan xukunka ku dhacay shaacinta sii daynta maxaabiistu waxay nagu noqotay la yaab sababtoo ah waa ficil la qaaday iyada oo aan waxba nalaga ogaysiin.” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Seychelles.

Warkan ayaa sidoo kale lagu sheegay in Seychelles dacwad ka dhan ah Somaliland ay u gudbineyso guddiga sare ee Mauritius ee badweynta Hindiya iyo xafiiska xoghayaha Qaramada Midoobay iyo golaha ammaanka.

Ugu dambeyn Seychelles ayaa shaacisay in tallaabada ay qaaday Somaliland ay jabisay sharciga la dagaalanka kooxaha Burcadbadeeda.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
caasimada@live.com