Sh. Aadan Siiro oo shaaciyey fadeexad ay ku lug leeyihiin Muuse Biixi iyo qoyskiisa

Hargeysa (Caasimada Online) ― Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xirsi [Sheekh Aadan Siiro], ayaa weerar ku qaaday Madaxweyne Muuse Biixi iyo Qoyskiisa, isla markaana ku eedeyay inay ku takri-falayaan awoodii dowladeed.

Sheekh Aadan Siiro ayaa sidoo kale Muuse Biixi iyo Qoyskiisa ku eedeyay inay wadaan dhul boob iyagoo adeegsanaya awooda xukuumada.

Sh. Aadan ayaa wax aan la aqbali karin ku sheegay in awood dowladeed dhul lagu boobo, isagoona ka dhawaajiyey inay arrintaasi tahay dulmi cad oo loo baahanyahay in wax laga qabto.

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xirsi [Sheekh Aadan Siiro] oo arrimahaasi ka hadlayana, wuxuu fariin u direy Madaxweyne Biixi, wuxuuna yiri “Waddanka waxa ka dhacay dhul boob ay Xukuumaddu kow ka tahay, maanta Buurta Kala-jeexan, 3 boqol oo Caa’iladood oo kii ku dhashay 30-jir yahay, 40-jir yahay ayaa loo soo xukumay Madaxweynaha iyo Qoyskiisa oo la leeyahay halla dumiyo, wax la aqbali karayo maaha, war Dulmiga diida Maalinba Qof bay qabsanaysaaye”.

“Madaxweynaha waxaanu leenahay in Walaalkaa loo soo xukumo 300-Guri oo dhisan oo Dad ehelkaaga ahi ku nool yihiin, caqli iyo Sharci ahaanba wax la aqbali karayo maaha. Waxaanu leenahay, Madaxweyne haddaanad ka Raalli ahayn jooji”.

“Kuwa Maxkamadaha fadhiya waxaanu leenahay Waar Ilaahay ka yaaba oo Dadka u caddaalad fala. Sidaad ogtihiin Ummaddii way soo oodatay, Meheradahii oo dhan baa kacay, Dadkii dhibaato badan oo dhaqaale ayaa haysa, Xukuumadda Talada haysaa waxay keentay in dhaqaalihii xidhmo isla-markaana Dadku ay soo wada ootaan, markaa waxaanu leenahay Waar dhaqaalaha hala furfuro”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Madaxweynaha waxaanu leenahay Xukuumaddii kaa horraysey saddex meelood bay dhaqaalaha u qaybin jirtay, laba meelood Ummadda ayay ku soo celin jirtay oo Wareeggeedu wuu badnaa, meelna iyagaa farsamaysan jiray, Waxaana la leeyahay Saddexdiiba Adiga ayay kugu arooreen, wax la aqbali karayo maaha in Dadkuna soo ootaan”.

“Miisaaniyaddu sanadkii waa 370 Million, Askarigii 80-Dollar ayuu qaadanayaa, Mashaariic ma hayno, Dadkiina way soo wada ooteen, markaa waxaanu leenahay Waar Xukuumaddu Dhaqaalaha ha furfurto. Madaxweynaha Maanta jooga ee Somaliland waxaanu leenahay waar Talada qaybi, waar wixii tuhun keenaya ka fagoow”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com