SHAAC-KA-QAADIS: Xeebta Muqdisho oo shidaal qodis laga billaabi doono

Calgary (Caasimada Online) – Shirkadda Kilimanjaro Capital ee Canada oo ah shirkadda dhinaca soo saarka shidaalka ka shaqeysa, ayaa sheegtay inay heshiis la gashay shirkadda Australian-Somali company ama Amsas, si ay u heshay 5 boqolkiiba Balooga shidaalka uu ka buuxo ee ACA iyo 5 boqolkiiba 3 baloog oo kale.

Balooga ACA, ayaa waxa uu ku yaalla xeebta dhinaca Koonfureed ee magaalada Muqdisho, waxaana markii hore lagu magacaabi jira balooga dowladda “govermnet Block”.

Amsas ayaa iibsatay 49 boqolkiiba xuquuqda shidaal soo saarista baloogaas, sanaddii 2008, kadib heshiis ay la gashay dowladdii KMG ahayd.

Balooga ACA waa 4,700 oo isku wareeg KM ah, oo shidaal uu ka buuxo.

Amsas waxa ay qiyaaseysaa in baloogaas kaliya laga heli karo 1 bilyan oo barmiil oo saliid ceeriin ah, halka khuburo kalena ay aaminsan tahay in laga heli karo 5 bilyan oo barmiil.

Baloogan, ayaa waxa uu lee yahay taariikg sahmineed oo natiijo fiican dhashay, mana ahan oo kaliya shidaal ma ku jira mise kuma jiro, ee waa intee ayaa ku jirta.

Tijaabo sanaddii 1960-maadkii ay sameysay shirkadda Sinclair iyo mid ay dowladdii milatariga ay sameysay 1985-kii, ayaa baloogan 40 km u jira xeebta koonfureed ee Muqdisho looga soo saaray Gaas, hase yeeshee dagaaladii sokeeye ayaa joojiyey qorshahaas.

Waxa uu meelo badan oo Somalia ka mid ah kaga duwan yahay in baloogan uu yahay kan kaliya ee si rasmi ah shidaal looga soo shaac bixiyey, halka kuwa kalena ay weli yihiin un kuwo rajo laga qabo.

Shirkadda Kaliminjaaro iyo shirkadda Amsas oo Soomali ay wax ku lee yihiin ayaa hadda isku duba ridi doono dhaqaalaha loo baahan yahay si loogu dhaqaaqo soo saaridda shidaalka ku jira balooga ACA.

Caasimada Online
Xafiiska Washington DC
Caasimada@live.com