Dhageyso: Muqdisho: Beel kalsoonida kala laabaneysa DF, hal gabar darteed

Muqdisho (Caasimada Online) Nuur Cabdi Maxamed , wuxuu ka mid yahay Ehelada Gabar Soomaaliyeed oo dhawaan la sheegay inay Ciidamo AMISOM, ah kufsi kula dhaqaaqeen inkastoo ay beeniyeen , wuxuu sheegay in xilligan xalka gabadhaasi ay tahay mid aad u liidata .

Wuxuu sheegay in Haatan Gabadhaasi ay tahay mid u dhexeysa Nolol iyo Geeri , waxaana intaasi uu kusii daray in marka loo eego noloha hatan gabadhaas ay ku jirto inay u dhaami laheyd inay iska Geeriyooto.

Gudigii dowlada Soomaaliya ay arintan u xilsaartay ayuu shaaciyay inay la kulmeeen balse wuxuu sheegay in waxba aan arinteeda laga qaban , waxaana uu sheegay in howshu ay aheyd kaliya qawda ma qashii waxna ha u qaban sida uu tilmaamay.

Odayaasha iyo waxgaradka Beesha Gabadha ayuu tilmaamay inay go’aan waa jir ah gaareen , waxaana uu sheegay hadii dowlada Soomaaliya arintan ay kala xajoon weyso kalsoonida ay kala laaban doonaan sida uu shaaciyay .

“Dowlada Somalia waxaan leenahay arintaan nagala soo xaajooda , hadii taasi  ay dhici weysana kalsoonidii dowlada aan u heynay dib ayaan ula noqoneynaa , dad karo arintaas oo karti  lehna waan nahay, aniguna waxaan ahay nin wax qaban kara ayuu yiri” Nuur Cabdi Ibraahim

Dowlada Soomaaliya kama aysan jawaabin arintan , sidoo kale wali Gudigii baaritaanka gabadhaas loo xilsaaray war ku aadan muusan soo saarin kaas oo ah xalka ugu dambeya ee wax u qabasha gabahaas io cidda sida rasmiga ah kaga dambeysa Kufsiga loo geystay .

Gabadhan la sheegay in la kufsaday ayaa la tilmaamay inay aheyd Hooyo Seddex Caruur ah leh , taas oo iminka xaalkeeda uu yahay mid laga deyrinayo .

Halkaan ka dhageyso Nuur Cabdi Maxamed

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com