24.9 C
Mogadishu
Thursday, June 12, 2025

Shaacin: Doorkii Imaaraadka Carabta ku lahaa heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Imaaraadka Carabta ayaa la ogaaday inuu ahaa dhinacii ugu weynaa ee ka dambeeyay heshiiska badda ee muranka dhaliyay ee dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland, arrin si weyn u beddelaysa isu dheellitirka siyaasadeed ee Geeska Afrika, isla markaana kicinaysa xiisado siyaasadeed oo ka dhex aloosan Soomaaliya iyo Jabuuti.

Heshiiskan is-afgarad (MoU), oo la saxiixay 1-da Janaayo 2024, ayaa Itoobiya siinaya marin xeebeed 19-kiloomitir ah oo ku yaalla agagaarka dekedda Berbera ee Somaliland. Bedelkeeda, Addis Ababa waxay ballan qaaday inay tixgelin doonto sheegashada madax-bannaanida Somaliland ee ka go’ista Soomaaliya.

In kasta oo si rasmi ah loogu muujiyay inuu yahay heshiis laba geesood ah, haddana saameynta istiraatiijiyadeed iyo maaliyadeed ee Imaaraadka—gaar ahaan iyada oo loo marayo shirkadda DP World oo taageero ka hesha dowladda Imaaraadka una maamusha dekedda Berbera—ayaa muujinaysa in Abu Dhabi ay fududeysay ama xitaa suurtagal ka dhigtay heshiiskan, iyada oo qeyb ka ah istaraatiijiyad ballaaran oo ay ku doonayso inay ku xakunto marin-biyoodka Badda Cas.

Istaraatiijiyadda dekedaha ee Imaaraadka

Tobankii sano ee la soo dhaafay, Imaaraadka Carabta wuxuu si isdaba joog ah u ballaariyay saameyntiisa Geeska Afrika, isagoo maalgashi ku sameeyay dekedo, xarumo milatari, iyo kaabayaal gaadiid oo ku yaalla deegaanada istiraatiijiga ah ee xeebaha leh.

Joogitaanka Imaaraadka ayaa si xawli ah uga kordhay dalalka Jabuuti, Eritrea, Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, iyada oo la adeegsanayo magaca horumarin iyo adeeg xamuul. Si kastaba ha ahaatee, dadka dhaliila ayaa ku tilmaamaya dadaalladan in ay yihiin xeelad awood kororsi oo siyaasadeed.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa bishii May 2025 si dhif ah u bixiyay wareysi daah-furan, isagoo ku eedeeyay Imaaraadka Carabta inuu wado “gumeysi casri ah,” isagoo adeegsanaya awood dhaqaale iyo heshiisyo istiraatiiji ah si uu ula wareego hantida dhaqaalaha ee muhiimka ah.

“Imaaraadku waxay noo wajahayaan si cadaawad ah tan iyo markii aan diidnay shuruudahooda,” ayuu yiri Geelle. “Annaguna marnaba ma oggolaan doonno.”

Geelle wuxuu xiisadda hadda taagan la xiriiriyay go’aankii Jabuuti ku laashay qandaraaskii maamulka dekedda ee ay horay u heshay DP World sanadkii 2012, taasoo dhalisay muran sharciyeed iyo mid siyaasadeed oo sanado socday.

Wuxuu ka digay in damaca Imaaraadka uu haatan ku baahay guud ahaan gobolka—laga bilaabo Doraleh ilaa Berbera iyo Assab—taasoo khatar gelinaysa doorkii Jabuuti ee bartamaha ganacsiga Badda Cas.

Jabuuti waxay muddo dheer ahayd marinka badda ee ugu weyn Itoobiya, taasoo keentay dakhli malaayiin doollar ah iyo miisaan siyaasadeed oo muhiim ah. Hase yeeshee, heshiiska Berbera iyo dadaallada lagu soo noolaynayo dekedda Assab ee Eritrea—labaduba ay garab taagan tahay Imaaraadka—ayaa khatar gelinaya doorkaas.

Si ay u ilaaliso saameynteeda, Jabuuti waxay qaaday tallaabooyin ay ka mid yihiin:

  • Casriyeynta dekedda Doraleh iyadoo rakibtay wiishash waaweyn iyo kordhin xamuul qaadkeeda,
  • Kala dirista sanduuqa maalgelinta qaranka si looga hortago saamaynta Imaaraadka,
  • Xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee ay la leedahay Soomaaliya, Sacuudiga iyo Masar si ay uga hortagto isbahaysiga uu Imaaraadku hoggaaminayo.

Hadalka Geelle wuxuu muujinayaa walaac sii fidaya oo ah in Jabuuti si istiraatiiji ah loo hareeraynayo—dhaqaale ahaan, diblomaasi ahaan, iyo xagga amniga.

Soomaaliya oo si adag u jawaabtay

Dowladda Soomaaliya waxay heshiiska Itoobiya–Somaliland u aragtay mid si toos ah ugu xadgudbaya madax-bannaanideeda. Dowladda Federaalka ayaa si degdeg ah u cambaareysay heshiiska, waxayna u yeertay safiirkeedii Itoobiya iyadoo sidoo kale ku hanjabtay inay tallaabo sharci ah qaadi doonto.

Si loo dejiyo xiisadda, Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa 11-kii December 2024 ku kala saxiixday magaalada Ankara heshiis loo bixiyay Baaqa Ankara, kaasoo uu fududeeyay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan.

Heshiiskaasi wuxuu dib u xaqiijiyay ixtiraamka madax-bannaanida labada dal, wuxuuna u furay Itoobiya waddo sharci ah oo ay marin ugu hesho dekedaha si rasmi ah loo aqoonsan yahay ee Soomaaliya.

Kadib heshiiska:

  • Itoobiya waxay ballan qaaday inay wadahadallo rasmi ah la yeelan doonto dowladda Federaalka si ay deked ugu hesho,
  • Soomaaliya waxay ku adkaysatay in dhammaan heshiisyada la xiriira badda lagu saleeyo dastuurka,
  • Wadahadallada diblomaasiyadeed ayaa dib u bilaabmay iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu safar rasmi ah ku tagay Addis Ababa Janaayo 2025.

Si kastaba ha ahaatee, Itoobiya weli si rasmi ah ugama tanaasulin heshiiskii ay la gashay Somaliland, taasoo keentay mugdi ku saabsan sharciyaddiisa iyo sida loo fulin doono mustaqbalka.

Khariidadda gobolka oo dib loo qaabeeyay

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in Imaaraadku dhisay jiho cusub oo istiraatiiji ah oo ku saleysan isbahaysiga Itoobiya iyo Somaliland, taasoo si cad u caqabadeynaysa doorkii dhaqameed ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

Malaayiin doollar oo maalgashi ah oo ay Imaaraadku ku sameeyeen Itoobiya ayaa u suurta geliyay inay kala duwdo marinkeeda ganacsi oo aysan si buuxda ugu tiirsanaan Jabuuti, iyadoo sidoo kalena sare u qaaday dadaallada Somaliland ee raadinta aqoonsi caalami ah.

Isbeddelkan ayaa sidoo kale saameeyay xisaab-xirka amniga gobolka. Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa u soo janjeeray dhanka dalalka Sacuudiga, Masar iyo Turkiga—kuwaas oo ka walaacsan ballaarista saameynta Imaaraadka, kuna dadaalaya inay garab istaagaan midnimada Soomaaliya iyo isku dheelitirka gobolka.

Doorka hoose ee Imaaraadku ka ciyaaray heshiiska Itoobiya–Somaliland ma ahan oo keliya mid diblomaasiyadeed—waa istiraatiiji. Iyada oo loo marayo maalgelinta dekedaha, taageerada milatari, iyo ka faa’iideysiga khilaafaadka gobolka, Abu Dhabi waxay si qoto dheer u beddeleysaa khariidadda Geeska Afrika.

Jabuuti, waxay halgan ugu jirtaa badbaadinteeda dhaqaale. Soomaaliya, waxay dagaal ugu jirtaa difaaca midnimadeeda iyo madax-bannaanideeda. Itoobiya, waxay raadineysaa helitaanka marin-biyood ay muddo dheer ku taamaysay.

- Advertisement -

Read more

Local News