Shaacin: Yaa magaca Somalia ku saxiixay xilka cusub ee loo magacaabay Gabre

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Farxaddii shacabka Soomaaliyeed ka qaadeen xil ka qaadistii Col. Gabre Egziaber, ee Xafiiska Fududeynta arrimaha nabadda iyo dib u heshiisiinta IGAD u qaabilsan Soomaaliya, ayaan raagin 24 saac markii Gabre loo magacaabay xil ka sarreeya kii laga qaaday.

Warqad kasoo baxday Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD Maxbuub Macallin ayaa Col. Gabre waxaa loogu magacaabay La-taliyaha sare ee arrimaha Siyaasadda ee Xoghayaha Guud ee IGAD.

Col. Gabre Egziaber oo markii hore ku sinnaa oo kaliya arrimaha Soomaaliya, ayaa hadda xilkiisa noqday mid uu saameyn ugu yeelan karo dhammaan arrimaha quseeya dalalka IGAD, oo Soomaaliyana ay ku jirto.

Qof kasta oo xil looga magacaabayo Xafiiska Xoghayaha Guud ee IGAD, waa inay aqbalaan dhammaan dalalka xubno ka ah ururka.

Baaritaan ay sameysay Caasimada Online ayaan ku ogaanay in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu magaca Soomaaliya ku aqbalay xilka cusub ee Gabre loo magacaabay, markii sidaas uu ka codsaday ra’iisul wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn, oo horraantii bishan ay ku kulmeen Addis-Ababa.

Dowladda Ethiopia ayaa siyaasad yaab leh dheeshay, ayada oo ay u muuqato inay kala dhinac martay madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Kheyre. Dhowr toddobaad kadib markii Farmaajo uu codsaday in Gabre laga beddelo Soomaaliya, ayay Ethiopia soo martay dhinaca Xasan Kheyre, kana saxiixday xilka cusub ee Gabre.

Ma cadda, sababta uu Kheyre u aqbaly xilkan cusub, hase yeeshee qof xafiiskiisa ka tirsan oo codsaday inaan la magacaabin ayaa Caasimada Online u sheegay “Ra’iisul wasaaraha uma arko xilka cusub ee Gabre mid saameyn ku leh Soomaaliya”.

Hase yeeshee, maadaama Gabre hadda ka shaqeynayo xafiiska xoghayaha guud ee IGAD, waxaan shaki ku jirin in ra’iisul wasaare Xasan Kheyre uu awood ka ballaaran tii hore gacanta u geliyey Col. Gabre Egziaber.

Prof. Cabrixmaan Axmed Warsame, oo Nairobi ku sugan ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay go’aanka Kheyre.

“Haddii madaxweynuhu codsaday in la bedelo Gabre, waxaan garan la’ahay sida Kheyre ku ogolaaday xilka cusub ee Gabre, iyo sababta uu go’aan ugu qaatay Addis-Ababa, isaga oo aan Muqdisho ku soo laaban oo aan la tashay dowladdiisa” ayuu yiri aqoonyahanka oo Caasimada Online kula hadlay Naiorbi.

Go’aanka Kheyre ayaa waxaa sidoo kale mid yaab leh ka dhigaya, inuusan ka aargudan Ethiopia, maadaama ay ahayd dowladdii xanibtay markii madaxweyne Xasan Sheekh u sharxay xilka xoghayaha guud ee IGAD ee hadda uu ku fadhiyo Maxbuub Macallin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com