Gaalkacyo (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal culus oo maanta ay si wadajir ah u qaadeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka, kaas oo ka dhacay koonfurta gobolka Mudug.
Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab, wuxuuna si gaar ah uga dhacay aagga deegaanka Bacaadwayne ee gobolkaasi, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya oo warsaxaafadeed kasoo saartay weerarkaasi.
Qoraalka dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada huwanta ay beegsadeen fariisimo ay dagaalyahannada Shabaab ku lahaayeen halkaasi, jab culusna la gaystay.
“Howlgal qorsheysan oo Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Deegaanka ay ka fuliyeen magaalada Bacaadwayne ee Koonfurta gobolka Mudug ayaa lagu beegsaday fariisimo Khawaarijtu ku baadaysay dadka shacabka ah” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Sidoo kale qoraalka ayaa intaasi kusii daray in howlgalka lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad kooxda ka tirsanaa oo ku dhuumaaleysanayay goobta la weeraray.
“Howlgalka ayaa lagu beegsaday horjoogayaal iyo malayshiyaad halkaa muddo si dhuumaalaysi ah ugu dhibaateenaysay dadka shacabka ah, kuwaasi oo ciidamadu ay cagta mariyeen fariisinkii Khawaarijta” ayaa lagu yiri mar kale lagu yiri qoraalka.
Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi maanta ka dhacay Mudug ee ay guusha ka sheegatay dowladda dhexe.
Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah koonfura Mudug oo hoostaga Galmudug.
Gobollada dhexe ayaa  kamid ah gobollada ay weli ka socdaan howlgallada xoreynta ah, waxaana badanaa ku dagaalama ciidamada huwanta iyo Khawaarijta Al-Shabaab.