Shabaab oo weerar culus ka fulisay degmada Mandera

Nairobi (Caasimada Online) – Faah faahin dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar jidgal ahaa oo dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab saacadihii la soo dhaafay ay ka fuliyeen deegaanka Ceelqaalow oo hoostaga magaalada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari.

Wararka ayaa sheegaya in weerarkaasi oo ahaa mid culus lala beegsaday kolonyo ay la socdeen ciidan ka tirsan milatariga iyo kuwa Booliiska, xilli ay ku socdaalayeen halkaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in weerarka, kadib uu iska hor imaad kooban dhexmaray ciidamada Kenya dagaalyahanadii weerarka qaaday.

Al-Shabaab oo war kasoo saartay weerarkaasi ayaa guullo ka sheegatay dagaalkan, waxaana ay shaacisay inay ku dishay, kuna dhaawacday askar ka tirsanaa ciidamada Kenya, walow aysan shaacin tirada rasmiga ah ee askarta ay waxyeelad soo gaartay.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa baahisay inay gubtay gaari nooca xamuulka ah oo u rarnaa ciidamada weerarka lagula beegsaday duleedka magaalada Mandera ee dalka Kenya.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Kenya oo ku aadan weerarkaasi iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana goobta uu dagaalku ka dhacay howl-gallo ka sameeyey ciidamada ammaanka Kenya, kadib weerarka ka dhacay halkaasi.

Xoogaga Al-Shabaab ayaa hada iyo jeer weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada ciidamada Kenya ee ku sugan xadka dheer ee ay wadaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya.