Shabaab oo weerar khasaare geystay ka fulisay BALCAD

Balcad (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar ay saaka aroortii hore dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ku qaadeen degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Weerarka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in xooggaga Al-Shabaab ay ku beegsadeen bar-koontarool oo ku taalla wadada aada dhinaca xigta magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka HirShabelle, waxaana xigay iska hor imaad ka dhacay halkaasi.

Ilo deegaanka ayaa u sheegay Caasimada Online in halkaasi lagu dilay hal askari oo xilliga uu weerarka dhacayey ku sugnaa goobta, waxaana wararka ay intaasi kusii darayaan in raggii weerarka qaaday ay horey u sii qaateen qorigiisa oo ahaa AK47.

Sidoo kale waxaa goor dambe goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo howl-gallo ballaaran ka wada gudaha iyo daafaha dmagaalada Balcad.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana goobta ka baxsaday dagaalyahanadii ka tirsan Al-Shabaab ee weerarka geystay halkaasi.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo maamulka degmada oo ku aadan weerarkaas iyo howl-gallada ka dambeeyey.

Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro gaadmo ah ka fulisa waddada dheer ee isku xirta magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Weerarkan wuxuu sidoo kale kusoo aadayaa, xilli todobaadyadii lasoo dhaafay ciidamada Xoogga dalka ay laba jibaareen howl-gallada iyo dhaqa-dhaqaaqyada milatari ee ay ka wadaan deegaanada HirShabelle, gaar ahaan gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.