Shacabka BAXDO oo arrin cajiib ah sameeyey, kadib weerarkii AL-SHABAAB

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xaaladda deegaanka Baxdo oo ka tirsan gobolka Galgaduud ayaa maanta deggan, kadib weerarkii khasaaraha lagu gaarsiiyey Al-Shabaab ee Jimcihii ka dhacay gudaha deegaankaas oo hoostaga dowlad goboleedka Galmudug.

Shacabka oo kaashanaya ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa dagaal kala hortegay kooxda Al-Shabaab oo jab xoogan lagu gaarsiiyey halkaasi, iyada oo looga dilay illaa 70 xubnood oo ay ku jiraan saddex ajaaniib ah, sida uu shaaciyey Madaxweynaha Galmudug.

Haddaba maxay sameeyeen reer Baxdo, kadib weerarkii Al-Shabaab?

Shacabka ku dhaqan deegaanka Baxdo, gaar ahaan bahda waxbarashada ee deegaanka ayaa sameeyey arrin kale oo cajiib ah, waxaana isla maanta deegaankaasi looga fariistan imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare kaas oo maanta ka billowday guud ahaan dalka.

Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada xukuumadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Maxamed Jaabiri oo la hadlay Wariyeyaasha ayaa sheegay in maanta Baxdo ay tahay nabad, isla-markaana looga fariistay imtixaanka mideysan ee ay qaadeyso dowladda.

“Goobihii ay shalay wax ka dhaceen waxaan u sheegeynaa Ummadda Soomaaliyeed in saaka ay amni tahay Baxdo, Imtixaankana lagu galaayo. Dhammaan goobihii aan ugu talagalnay waxbarashada inay gaareen saaka imtixaanka oo wada billowday,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey “Saraakiisha amniga meel kasta oo ay joogaan waxaan ka codsaneynaa inay u fududeeyaan”.

Arrintan ayaa muujineyso inay dhabar adeeg muujiyeen reer Baxdo oo shalay wajahay dagaal qaraar oo sababay dhimasho iyo dhaawac fara badan, kadib markii ay weerar xoogan kusoo qaadeen dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab oo khasaare la kulmay.

Xaaladda guud ee deegaanka ayaa maanta ah mid xasiloon, waxaana weerarkaas siyaabo kala duwna uga hadlay dowladda Somalia & Galmnudug oo guullo ka sheegtay dagaalka.