Shacabka Kenya oo mar kale maanta dooranaya madaxweyne

Nairobi (Caasimada Online)  –Waxaa maanta dalka Kenya ka dhacaaya doorashada lagu dooran lahaa Madaxweynaha dalkaasi kadib muran ka dhashay natiijadii kasoo baxday doorashii dhacday.

Shacabka ayaa dooran doona Madaxweynaha, xilli laga cabsi qabo in ay dhacaan rabshado, geysta khasaare fara badan.

Musharaxiinta Doorashada ka qeyb galeysa maanta ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynaha hada talada haya ee lagu magacaabo Uhuru Kenyatta.

Raila Odinga, oo ah Hogaamiyaha mucaaradka Kenya, ayaa labadii maalin ee ugu danbeysay taageerayaashiisa ka dalbanaayay inaysan ka qeyb qaadanin doorashada madaxweyne ee ku celiska ah.

Sidoo kale, waxaa saaka xiran goobo badan oo codadka laga dhiibto, kuwaasi oo ku yaalla goobaha ugu badan ee ay degan yihiin Taageerayaasha xisbiga Mucaaradka.

Geesta kale, waxaa aad loo adkeeyay ammaanka Kenya, waxaana tobanaan kun oo ciidamada ammaanka ah la geeyay meelo badan oo dalka ah si ay u ilaaliyaan codbixiyayaasha iyo goobaha laga codeynayo.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com