Shacabka Kismaayo maxay ku muteysteen ciqaabta ay marineyo DF Soomaaliya?

Wixii ka danbeeyey doorashadii ka dhacdey magaalada Kismaayo, shacabka ku nool Jubaland, gaar ahaan kuwa ku sugan Kismaayo waxey marti u noqdeen ciqaab wadareed aysan muteysan taas oo kaliftey in shacabku dareemo in aysan wax xaquuq ah ku laheyn dowladda Soomaaliya ee maanta dalka ka talisa.

Dowlada federalka Soomaaliya ee uu hogaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qaadey talaabooyin guracan oo lagu cunaqabateynayo shacabka magaalada Kismaayo oo markii hore marti u ahaa siyaasado isdiidan oo degaanka iyo dalka ka jira. Arrimahaan ayaa waxaa sabab u ah qorshe afduub lagu micneeyay oo ay dowladda Soomaaliya ka damacsaneed doorashada Jubbaland.

Talaabada dowladu ay ku dooneysey in ay ku maamusho doorashada Jubbaland ayaa fashilantey kadib markii maamulka Jubbaland uu ku sameeyay is hortaag iyagoo ka cararaya doorasho la mid ah midii ka dhacday Baydhabo 2018-kii. Natiijada doorashadii ka dhacday Kismaayo ayaa lagu sheegay in uu markale hogaanka Jubbaland uu ku guuleestay Axmed Madoobe, waxaana goob joog ka ahaa Xildhibaano ka tirsan Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo masuuliyiin kale.

Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa lagu eedeynayaa in ay qaadeen talaabooyin adag oo aan dan ugu jirin degaanka iyo shacabka, taas oo la sheegay in ay Kismaayo u horseeday nolal xumi dadka degaanka soo wajahday. Dadka degaanka ayaa ku tilmaamay go’aanka duulimaadka ciqaab wadareed aysan xaq u laheyn maadama aysan jirin qalad ay qaranka iyo dowladaba ka galeen.

Waxaa istaagey dhamaan adeegyadii dadweynaha magaalada Kismaayo iyo deegaanada ku hareereysan waxaa ku dhintey 3 ruux kuwaas oo xanuunkooda wax looga qaban waayey magaalada Kismaayo loona soo qaadi lahaa Kismaayo sida ay sheegeen masuuliyiinta Jubbaland. Siyaasiin badan ayaa arintaan ku tilmaamay dambi ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo midda muwaadinka iyagoo dowladda ugu baaqay in ay arrintaasi ka laabato.

Go’aanka duulimaadka Kismaayo ayaa sababay in Wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Xasan (Janan), oo ay dowlada Soomaaliya horey u burisey dacwad loo heestey ka qabato garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, waxaana arrintaasi markale sababtay jahwareer siyaasadeed oo xoog leh.

Qaar kamid ah shacabka Soomaaliyeed ayaa arintaan ku micneeyay mid cabsi iyo dowlad nacayb ku abuuri karta shacabka Jubbaland ee aan ku lug lahayn qalalaasaha siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan kuwa Jubbaland iyo Dowladda Dhexe.

Daneeyaasha arimaha Soomaaliya ayaa dowladda ugu baaqay in ay dib u eegis ku sameyso go’aan kasta oo ay ka qaadaneyso xiisadda kala dhaxeyso Axmed Madoobe maadama shacabka ay wajahayaan dhibaatooyin daran.

W/Q: Istar Cali Mataan
Toronto, Canada

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid