Shaki cusub oo hareeyey dhameystirka doorashada golaha shacabka Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa shaki laga muujinaya in Doorashada Golaha Shacabka lagu soo geba-gabeen karo muddadii lagu heshiiyay iyo in kale, sababo ku aaddan dhowr arrimood oo is biirsaday.

Sida ku cad heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaranka, doorashada kuraasta Golaha Shacabka ayay tahay in lagu soo geba-gabeeyo muddo 40 maalmood ah oo ku eg 25-ka bishan, illaa iyo haddana xitaa lama soo dooran kala bar kuraasta Golaha Shacabka oo 275 kursi ka kooban.

Tirada guud kuraasta Golaha Shacabka ee illaa iyo hadda la soo doortay ayaa ah 127 kursi, kuwaa oo 26 ka mida ay dumar ku soo baxeen.

Waqtiga oo aad ciiriri u ah, gaabiska hareeyay qoondada haweenka, kuraasta u baahan in khilaafkooda la xaliyo iyo mushaar la’aanta soo wajahday Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal & Heer Dowlad Goboleed ayaa bilow u noqon kara in doorashada ay mar kale sadkeedii dhaafto.

Marka laga soo taggo Koonfur Galbeed, Dowlad Goboleedyada kale ayaan weli doorashada Golaha Shacabka ka bilaabin goob doorashadooda 2aad.

Jubbaland oo caqabad ka haysato Garbahaarey, Hirshabelle oo aan la ogayn goorta doorashada kuraasta Golaha Shacabka ka qaban doonto Beledweyne iyo Puntland oo weli aan wax abaabul ah ka bilaabin Boosaaso waxay arrimahaasi oo dhan wiiqayaan suurtagalnimada in doorashada golahaasi lagu soo gaba-gabeeyo maalmaha tirsan ee haray.

Siyaasiyiinta qaarkood ayaa kuu sheegaya inaysan jirin wax ifafaalo ah oo muujinaya in doorashada 275-ka kursi ee Golaha Shacabka lagu soo gaba-gabeen doono bil iyo tobanka cisho ee jadwalkeeda ku muddeysan.

Doorashadan ayaa noqonayso tii ugu liidatay ee dalka laga qabto, tan iyo intii dib loo yegleelay Dowladnimada Somaliya, laba iyo labaatan sano horteed.