Muqdisho (Caasimada Online) – Shaki weyn iyo cabsi ayaa laga muujinayaa iney markale dib usii dhacaan doorashada gudoomiyaha baarlamaanka iyo madaxweynaha Soomaaliya.
Musharixiin badan oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa rajo xumo ka muujinaya dib u dhacyada badan ee doorashada oo sanadkaan ku timid.
Qaar ka mid ah dadka falanqeeya siyaasada Soomaaliya ayaa sheegaya in doorashada sanadkaan laga baqayo iney gaarto ilaa bisha seddexaad ee sanadkaan.
Sidoo kale falanqeeyayaal ayaa horey u saadaaliyay in dib u dhacii doorashada september ee sanadkaan ay sabab u noqoneyso dib dhac dhaca ilaa sanadka cusub 2017, waxaana muuqata iney dhaafeyso sanadka cusub.
Waxyaabaha dadka shakiga badan geliyay ayaa waxaa kamid ah kordhinta xildhibaanada aqalka sare ee gaaraya min seddex xildhibaan.
Waxaa sidoo kale shakiga weyn keenay inaan wali la dhameyn doorashada aqalka hoose ee deegaanada Somaliland, iyadoo aqalka sare ey sii dhiman yihiin.
Sidoo kale dib u celinta xildhibaanada gaaraya 11 xildhibaan oo murun badan uu ka taagan yahay ayaa sababi karta in marmarsiiyo laga dhigtaa bilaha soo socdaa.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com