Shan qodob oo uu Xasan Sheekh ka sheegay Itoobiya, Somaliland, Gaza iyo Turkey

Antalya (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbad ka jeediyay Madasha Diblomaasiyadda ee Antalya, Turkiga, oo ay ka qayb galeen madax badan oo caalami ah. Hadalkiisa waxa uu diiradda saaray shan qodob oo muhiim ah: xaaladda Soomaaliya, xiriirka dalalka dariska, arrimaha Bariga Dhexe, xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga, iyo taageerada caalamiga ah.

Madasha Antalya, oo ay Turkigu martigeliyaan, ayaa ah goob looga hadlo xaaladaha taagan ee caalamka. Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa isna sheegay in dowladdiisu diyaar u tahay inay door ka qaadato xasiloonida caalamka iyo tan Bariga Dhexe.

Madaxweynayaasha ka qeyb galay sanadkan waxaa ka mid ahaa madaxweynaha ku meel gaarka ah ee Suuriya, Axmed Sharac.

Taageerada Turkiga iyo xiriirka labada dal

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Turkiga yihiin “saaxiibo dhab ah” oo xiriirkoodu ku saleysan yahay dano wadaag ah. Waxa uu xusay in Soomaaliya ka soo kabaneyso burburkii, isla markaana ay horumar la taaban karo ka samaysay hay’adaha dowliga ah, inkasta oo aysan weli gaarin heerka la rabo.

Wuxuu tilmaamay in xiriirka Turkiga uu si dhab ah u bilaabmay kadib markii Turkiga uu garab istaag u fidiyay Soomaaliya sanadkii 2011, markaas oo abaartu ay si daran u saameysay dalka.

Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale xusay in arrinta ugu weyn ee Soomaaliya haysata ay tahay argagixisada, isagoo muujiyay mahadnaqa taageerada Turkiga oo ay ka mid tahay bixinta tababarrada, qalabka, iyo la-talinta ciidamada amniga.

Turkigu waxa uu sidoo kale martigeliyay wadahadallo u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya, kadib khilaafkii ka dhashay heshiis ay Itoobiya la gashay Somaliland sanadkii 2024.

La-dagaallanka argagixisada

Madaxweynaha ayaa si qoto dheer uga hadlay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo Daacish. Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay horumar ka samaynayso la dagaallanka kooxahan, iyadoo taageero ka helaysa Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Mareykanka, UK, Turkiga iyo dalalka dariska ah.

Waxaa uu ku dhawaaqay in markii ugu horreysay tan iyo 1969, la qaban doono doorasho qof iyo cod ah, inkasta oo ay jirto kala aragti duwanaansho arrintaas ku saabsan.

Horumarka Soomaaliya

Madaxweyne Xasan ayaa xusay in Soomaaliya ay hadda ku fadhido kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, islamarkaana ay matalayso Bariga Afrika. Wuxuu ku adkaystay in Soomaaliya ay gaari doonto booska ay xaqa u leedahay.

Soomaaliya waxa uu sheegay in ay leedahay kheyraad qaali ah iyo goob istiraatiiji ah, balse hay’adaha dowliga ah aysan wali si buuxda u shaqeyn. Wuxuu carabka ku adkeeyay baahida loo qabo isbeddello waara oo ay ka mid tahay fulinta ajendaha Midowga Afrika ee Hiigsiga 2063.

Soomaaliya ayaa sidoo kale dib ugu biirtay Dalladda Bulshada Bariga Afrika muddadii labaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh.

Xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya

Madaxweyne Xasan waxa uu sheegay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay leeyihiin taariikh dheer oo xiriir iyo colaado isugu jira. Waxa uu sheegay in xiisadaha hadda jira sabab u noqdeen in la daciifo xoogga la saaro horumarka.

Wuxuu tilmaamay in baaqii Ankara ee labada dal ay ku kala saxiixdeen uu ahaa fursad lagu dhisayo mustaqbal wanaagsan, iyadoo labada dhinac ay ku jiraan wadahadallo soconaya. Madaxweyne Xasan waxa uu sheegay in labada dal aysan doonayn colaad, balse ay hiigsanayaan nabad waarta.

Qadiyada Falastiin iyo arrinta Gaza

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si adag u taageeray qadiyada Falastiin, isagoo sheegay in arrintani ay tahay mas’uuliyad akhlaaqeed iyo diinimo. Waxa uu sheegay in Soomaaliya aysan marnaba aqbali doonin in Falastiiniyiinta laga raro dhulkooda oo lagu beddelo dhul kale.

“Somaliland waa qayb ka mid ah Soomaaliya. Ma jiro cid u furan in Falastiiniyiin la keeno Soomaaliya si loo beddelo dhulkooda. Taasi xal ma aha, mana aqbaleyno,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Isha: BBC