5 qof oo cudur aan la garan ugu geeriyooday Tanzania

Dar es Salam (Caasimada Online) – Ugu yaraan shan ruux ayaa ku dhintay waqooyi galbeed dalka Tanzania kadib markii uu soo-riday cudur aan la garaneyn oo cusub, sida ay ku warameen saraakiisha caafimaadka ee dalkaasi.

Maamulka caafimaadka ayaa cudurkaasi  ku tilmaamay mid la yaab leh, waxaanna ilaa hadda gobolka Kagera laga soo sheegay 7 kiis, iyada oo halkaasi loo diray koox dhakhaatiir ah si ay u soo baaraan cudurka.

Calaamadaha lagu garto waxaa ka mid ah qandho, madax xanuun, daal iyo dhiig ka soo baxa  sanka, sida ay sheegtay madaxa caafimaadka ee dowladda Tumaini Nagu.

Waxa ay ka codsatay dadka ku dhaqan deegaanka in ay is dejiyaan oo ay ka fogaadaan in ay la xiriiraan dadka uu soo ritay cudurka.

Bishii Luulyo ee sannadkii hore in ka badan 20 xaaladood oo astaamo lamid ah ayaa laga soo sheegay koonfurta gobolka Lindi,.

Balse markii dambe la ogaaday in uu yahay cudurka Leptospirosis oo ah cudur ay keento bakteeriyada  oo la is qaadsiiyo kuna dhaca eyda iyo naasleyda kale, wuxuuna u gudbi karaa dadka.