Duqa Gaalkacyo: Waa ka gudubnay kala qeybsanaantii Galmudug iyo Puntland

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Magaalada Gaalkacyo waxaa ka dhisan laba maamul oo kala tirsan maamul goboleeyada Galmudug iyo Puntland, waxaana hadda ka jira wada-shaqeyn ka dhaxeysa labada dhinac.

Cabdiraxmaan Sheekh Xasan, oo ah duqa Gaalkacyo ee dhinaca Galmudug oo la hadlay VOA ayaa sheegay in xarunta gobolka Mudug ee u qeybsan labada maamul ay muddooyinkii dambe xasiloon tahay kadib duruufo kala duwan oo ay soo aragtay.

Duqa Gaalkacyo ayaa sidoo kale waxa uu tilmaamay in xasiloonida ka jirta Gaalkacyo ay ku timid wada-shaqeyn iyo is dhexgal ay wadaageen labada dhinac ee ka taliya xarunta gobolka Mudug.

“Runtii waxa aan uwada shaqeynaa sidii hal magaalo ama hal maamul ah, waxa aan wada tagnaa hal xafiis oo kan kale waan isugu tagnaa, Magaalada Gaalkacyo cashir bay ka qaadatay marxaladdii kala qaybsanaanta,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas sii raaciyay “Dadka magaalada Gaalkacyo ee Koofurta iyo Waqooyiga waa ay soo arkeen dhibaatada ay leedahay kala qaybsanaanta, taas oo keentay isdhexgalka labada dhinac.”

Dowlad-goboleedyada Puntland iyo Galmudug ayaa ku heshiiyay in gacan adag lagu qabto amniga magaalada Gaalkacyo, taasi wax badan ka tartay amniga guud ee magaalada.

Labada maamul ayaa sameeyay ciidan isku dhaf ah oo labada dhinac ah, kaasi oo loo xil-saaray wax ka qabashada dilalka, dagaallada iyo falalka amniga liddiga ku ah.