DF oo shir muhiim ah uga qeyb-galeysa dalka Qatar

Doha (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Dooxa ee caasimada dalka Qatar uga qeyb-galeysa shirka madasha bariga dhexe ee badqabka iyo tayada adeegyada caafimaad.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada dowladda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadam oo dowladda uga qeyb-galaya shirkaan ayaa gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Wasiirka caafimaadka Soomaaliya Dr Cali Xaaji ayaa waxaa halkaas ku soo dhaweeyey sii-hayaha Safaaradda Soomaaliya ee dalka Qatar Ruun Saciid Qoorsheel iyo mas’uuliyiin ka socota wasaarada caafimaadka ee dalka Qatar.

Wasiirka ayaa kulamo gaar ah la yeelan doona inta uu ku sugan yahay dalka Qatar madaxda ka soo qeyb galaysa shirka madasha bariga dhexe ee badqabka iyo tayada adeegyada caafimaad (Middle Eastern conference for health services quality and safety).

Wasiirka ayaa madaxdaas kala hadli doono iskaashi ku aadan horumarinta caafimaadka, maadaama Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka kobaca wanaagsan ka sameynaya aafimaadka.

Sidoo kale wasiirka ayaa dalalka qeybahooda caafimaad ay hormarsanyihiin kala hadli doono taageerada qeybta caafimaadka Soomaaliya iyo mashaariicda lagu horumarinayo.

Xukuumadda uu hoggaamiye ra’iisul wasaare Xamza ayaa kal hore sida ay sheegtay waxaa ka go’an horumarinta caafimaadka dalkeena, iyada oo la raacayo hirgqlinta adeegga loo dhan yahay ee xirmooyinka caafimaadka.