Muxuu yahay qorshaha uu Odowaa ka wado Kenya?

Nairobi (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage oo maalamihii dambe ku sugna dalka Kenya ayaa booqday dugsiga ciidanka dhulka ee dalkaasi.

Safarka Odowaa ee dalka Kenya ayaa qeyb ka ah qorshe lagu dardar-gelinayo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Dowladda Kenya ayuu qorshuhu yahay inay Soomaaliya usoo dirto ciidamo cusub oo ka taageeraya kuwa Soomaalida wajiga labaad ee dagaalka socda.

Kenya ayaa rabta inay wax ka bedesho qorshaheeda la-dagaalanka Al-Shabaab, ayada oo xilligaan doonaysa in kooxda kula dagaalamaan gudaha Soomaaliya, ayaga oo ka barbar dagaalamaya ciidamada huwanta ee dalka ka wada howl-galada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Xukuumadda Nairobi ayaa qeyb ka aheyd heshiis ay bishii hore magaalada Muqdisho ku saxiixdeen dalalka safka hore, kaasi oo dhigaya “in si wadajir ah loo qorsheeyo oo loo abaabulo olole xooggan oo lagu burburinayo Shabaab.”

Itoobiya ayaa noqotay dalkii ugu horeeyay ee si rasmi ah u fuliya heshiiskaasi, iyada oo ciidamadii ugu horeeyay toddobaad kahor usoo dirtay Soomaaliya.

Dalalka Jabuuti iyo Kenya ayaa sidoo kale ciidamo dheeraad ah kusoo dari doona ciidamada horey dalka ugu sugnaa ee qeybta ka ah howl-galka ATMIS, kuwaasi oo la filayo inay dhawaan soo gaaran dalka.

Ciidamadan ayaa qeyb ka noqonaya howl-galka dalalka safka hore ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo lagu xoojinayo dagaalka ka socda dalka, oo deegaano horleh looga xoreeyay kooxda.

La-taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali oo dhawaan shaaciyay in ciidamadan soo gaari doonaan dalka ayaa waxa uu yiri “Kaalintooda waa inay si wadajir ah u qorsheeyaan uguna howlgalaan taliska ciidamada amniga Soomaaliya. Sidaas darteed, waxay la dagaalami doonaan Al-Shabaab, ayaga oo garab taagan ciidamada Soomaaliya. Waa sidaas qorshaha.”

Matt Bryden, oo ah khabiir amniga Geeska Afrika ah ayaa sheegay in ciidamada dheeraadka ah, ee aan qeybta ka aheyn ATMIS “ay dedejin karaan dadaalalda lagu wiiqayo loogana adkaanayo Al-Shabaab.”

“Tan iyo markii dowladda federaalka iyo saaxiibadeeda ay ku dhowaaqeen damacooda, Al-Shabaab waxay u badan tahay inay kala dirtay dagaal-yahannadeeda si ay uga fogaato dagaal militari oo toos ah,” ayuu yiri.